Umusha/dhalmada

Qeybta dhalmada – halkan ayaad imanaysaa markaad umulayso

Förlossningsavdelningen - hit kommer du när du ska föda barn - somaliska

Markaad umuleyso ayaad qeybta dhalmada tageysaa. Waxa kula kulmaya umulisada iyadoo lagu baadhi doono. Qol kuu gaar ah ayaa lagu siin doonaa.

Qeybta dhalmadu waa qeyb cisbitaalka ka tirsan oo loogu talagalay haweenka umulaya. 

Markaad umuleyso ayaad halkaas tageysaa. 

Waxaad soo kaxaysan kartaa lammaane ama qof kale oo qaraabo ah.

Ka akhriso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sidaad ula soo xidhiidheyso qeybta dhalmada.

Läs texten på svenska här.

Yaa halkaa ka shaqeeya?

Waxa qeybta dhalmada ka shaqeeya umulisooyin. Waxay takhasus u leeyihiin dhalmada. 

Waxa umulisada badanaa la shaqaysaa qof kale. Waxay noqon kartaa kalkaalisada hoose ama umuliso kale. 

Waxa sidoo kale qeybta dhalmada ka shaqeeya dhakhaatiir ku takhasusay dhalmada. Kuwaas oo halkaas jooga marka loo baahdo. 

Maxaa dhacaaya markaad qeybta dhalmada timaaddo?

Marka hore waxaad la kulmaysaa umuliso. 

Waxaad ka hadli doontaa sida uu caafimaadkaagu yahay iyo sidaad dareemeyso. 

Umulisada ayaa eegi doonta haddii ay fooshu saani u wada bilaabantay.  

Markaas ayaad qeybta dhalmada joogi doontaa. 

Haddii aanay fooshu bilaaban ayay umulisadu kaa dalban kartaa inaad guriga aado oo aad mar dambe soo noqoto. 

Qol kuu gaar ah ayaa lagu siin doonaa 

Waxa qolkaaga yaala sariir gaar ah. 

Waxa sidoo kale badanaa yaalla alaabta qalabka/guryaha ee lagu fadhiisto oo raaxo leh. 

Waxa qolka badanaa yaalla lustgas (gaas la nuugo si ay xanuunka kaaga khafiifiso). Taas ayaad markuu xanuun ku hayo aad isticmaali kartaa 

Waxa badanaa ku yaala meel lagu qubeysto ama saxanka lagu dhex maydho.   

Waxaad ka wada hadlaysaan sidaad u umuleyso 

Umulisada ayaa ku waydiin doonta su'aalo ku saabsan sida aad u aragto inay dhalmadu u dhici doonto. 

Waxaad tusaale ahaan ka wada hadli doontaan booska aad rabto inaad ku dhasho. 

Waxay umulisadu baadheysaa caafimaadka ilmaha

Umulisada ayaa dareemaysa oo riixeysa calooshaada. Taasi waxa weeye si baadhitaan loogu sameeyo sida uu ilmahu uurka u jiifo. Waxay sidoo kale umulisadu dareemaysaa gudaha farjiga si ay ugu eegto sida uu afka ilmo galeenku isku furay. Waa inuu ahaado mid jilicsan/khafiif ah si uu ilmuhu uga soo baxo.

Undersökning av gravid mage.
Waxa uu CTG-gu cabirayaa garaaca wadnaha ee ilmaha.

Laba qalab ayaa caloosha lagaaga xidhi doonaa

Waxay umulisadu garaaca wadnaha ee ilmaha ku cabiraysaa aalad loo yaqaano CTG. 
Waa hab wanaagsan oo lagu ogaan karro caafimaadka ilmaha.  

Waxa ay aaladdu ku xidhan tahay qalab ay umulisadu calooshaada ku xidhayso. 

Waxa lagu qabanayaa suun. 

Waxa ay sidoo kale aaladdu cabbireysaa marka uu Ilmo-galeenku giigsamo.  

Cabirkani ma saamaynayo ilmaha. 

Marka uu ilmahu soo dhasho

Waxaad cisbitaalka sii joogi doontaa in muddo ah marka uu ilmahu soo dhasho. 

Waxay inta aad joogeysaa ku xidhan tahay xaaladaada iyo ta ilmaha. 

Xilli hore ayaa badanaa cisbitaalka laga baxaa haddii aad hore ilme u soo dhashay.  

Markaas ayaad dhowr maalmood kadib soo booqan doontaa.

Mararka qaarkood ayaad adiga iyo ilmahu qaybta BB aad imaneysaan

Haddii aad dhalmada kadib aad muddo sii joogto waxaad tegi doontaa qeyb kale. 

Waxa loo yaqaanaa qeybta BB-da. 

Halkan ayaad gargaar ka heli doontaa xilliga ugu horeaya ee umusha kadib 

Waxa tusaale ahaan lagaa caawin karaa naas nuujinta.  

Waxa qeybta BB-da ka shaqeeya umulisooyin, kalkaaliyeyaal hoose iyo dhakhaatiir. 

Haddii dad kale rabaan inay ku soo booqdaan ama kula seexdaan

Mararka qaar waxa kula sii joogi kara lamaanahaaga ama qofka kula joogay markaad umushay. 
 
Dadka qaraabada iyo carruurta la walaalaha ah ilmaha ayaa badanaa soo booqda.

Ilmaha ayaa la baadhayaa inta aydaan guriga tagin kahor

Waxa ilmaha baadhitaan u sameyn doona dhakhtarka carruurta kahor inta aydaan adiga iyo ilmuhu guriga tagin.  

Waxaad heli kartaa turjumaan

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page