Waa caadi in uu carruurta indhaha caallir ama caabuq uga dhaco, taas oo badanaanba la xiriirta hargabka. Badanaaba toddobaad ayuu kaga baaba’aa iyadoo aan loo baahneen daaweyn.
Matagga iyo shubanku waa astaamaha badanaaba lagu arko ilmaha uu ku dhaco caloolxanuun fiirus keenay. Cudurkaasina waa mid aan sida ugu badan khatar ahayn oo dhawr maalmood ku istaaga. Waxaase muhiim ah in ilmaha uu ku dhaco uu cabbitaan badsado, gaar ahaan haddii shubankiisu badan yahay. Taasi waxay si gaar ah u khuseysaa ilmaha ka yar hal sano.
Xummaddu waxay astaan u tahay difaaca uu jirku isaga difaacayo infakshanada ay sababaan fiiruska iyo bakteeriyada. Xummad fudud ayaa carruurta ku dhacda, laakiin taasi uma baahna inay la mid noqoto inay si gaar ah u bukaan. Ahmiyaddu waa in ay carruurtu sidooda kale u caafimaad qabaan.