In ilme la daryeelo

Baadhitaannada ilmaha hadda soo dhashay

Undersökningar av det nyfödda barnet - somaliska

Ilmaha hadda soo dhashay ayaa maalinta ugu horeysa siyaabo kala duwan loogu baadhaa. Baadhitaannada intooda badan waxa lagu sameeyaa cusbitaalka intaydaan guriga tagin ka hor. Waxaad u baahan kartaan inaad dib u soo laabataan haddii aad hore cusbitaalka uga baxdeen.

Waxa kala duwanaan karta xilliyada baadhitaanada qaarkood la sameynayo. Taasi oo ku xidhan sida aad adiga iyo ilmuhu tihiin.

Läs texten på svenska här.

Isla markaaba dhalmada ka dib

Waxa ilmaha la baadhaa dhowr jeer isla markaaba dhalmada ka dib.

Waxay tusaale ahaan shaqaaluhu dhageysanayaan garaaca wadnaha iyo sida uu ilmuhu u neefsanaayo.

Ilmaha ayaa la daweyn doonaa haddii loo baahdo.

Ilmaha ayaa wakhtigaas badanaa la jooga mid ka mid ah waalidka. Mararka qaar ayaa ilmaha baadhitaan loogu sameyn doonaa miis gaar ah.

Umuliso ayaa ilmaha baadhitaanka u sameyn doonta

Umuliso ayaa ilmaha baadhitaan u sameynaysa dhowr saacadood ka dib markuu soo dhasho. Waxa markaas la samaynayaa waxyaabahan soo socda:

  • Ilmaha ayaa la miisaamaa oo la cabbirayaa.
  • Heerkulka jidhka ee ilmaha ayaa la cabbirayaa.
  • Maado khaas ah oo dhiiga ku jirta ayaa la cabbirayaa. Umulisadu ayaa taas ku cabbiraysa aalad/cabire maqaarka la saaraayo. Mararka qaarkood ayaa shaybaadh dhiiga ah loo baahan yahay. Haddii cabirku sarreeyo ilmuhu dawo ayuu u baahan karaa.
  • Waxa ilmaha irbad bowdada lagaga siinayaa fiitamiin K.

Mararka qaar ayaa sonkorta dhiigga la cabbiraa.

Dhakhtarka carruurta ayaa ilmaha baadhaaya

Dhakhtarka carruurta ayaa dhammaan carruurta baadha ka hor inta aanay guriga aadin. Baadhitaanka ayaa dhakhso loo sameeyaa.

Dhakhtarka carruurta ayaa eegaya oo dhegaysanaya waxyaabaha ay kuwan soo socdaa ka mid yihiin:

  • wadnaha
  • sambabada iyo neefsashada
  • caloosha
  • indhaha
  • madaxa
  • xubinta taranka iyo malawadka
  • maqaarka.

Dumarka guriga ku ummula

Waa in dhakhtarka carruurtu baadhaa ilmaha sida ugu dhakhsaha badan ee markuu soo dhasho ka dib.

Kala hadal umulisada si aad ka hor wakhti u qorsheyso.

Shaybaadhka lagu eegaayo maadada Phenylketonuria (PKU-test)

Labo maalmood ka dib ayaa la qaadi doona shaybaadh dhiiga oo loo yaqaanno PKU. Waxa shaybaadhka laga qaadayaa xidid dhiiga oo gacanta ama cagta ilmaha ku yaala.

Waxa shaybaadhka loo qaadayaa si ilmaha looga baadho inuu wax cudur ah oo aan caadi ahayn/naadir ah leeyahay.

Waxa fiican inuu ilmuhu dheregsan yahay marka shaybaadhka la qaadayo. Markaas ayuu ilmuhu yahay mid deggan iyadoo aanay xoogna u xanuujineyn. Mararka qaar ayaa ilmaha biyo sonkor leh afka laga siin karaa marka shaybaadhka la qaadayo.

Baadhitaanka maqalka ee ilmaha

Waxa baadhitaanka maqalka badanaa la sameeyaa xilliga uu ilmuhu hurdo.

Umuliso ayaa maqalka ilmaha baadhaysa. Waxa baadhitaanka la sameeyaa xilliga uu ilmuhu hurdo.

Baadhitaanka maadada Pulsoximetri (POX-screening)

Waxa baadhitaanka loo sameeyaa si loogu baadho haddii uu ilmahu leeyahay wax xanuuno wadnaha ah oo uu ku soo dhashay.

Marka baadhitaanka POX-ka la sameynaayo ayaa mashiin gacanta ama lugta ilmaha lagaga xidhayaa. Waxa lagu dhejiyaa wax lagu qabto ama teyb.

Waxa baadhitaanka loo sameynayaa si loo ogaado haddii ay jiraan wax xanuuno wadnaha ah oo lagu soo dhashay.

Degdeg ayaa loo sameynayaa iyadoo aan wax xanuun ah laheyn.

Kaadida iyo saxarada ilmaha ee ugu horeysa

Shaqaalaha cusbitaalka ayaa hubinaaya inuu ilmuhu kaajay oo uu xaaray inta aydaan guriga tagin ka hor.

Waxaad halkan ka arki kartaa sawiro ku saabsan sida midabka kaadida iyo xaarka ilmahu isku beddelayo toddobaadka ugu horreeya. Qoraalku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.

Xarunta daryeelka carruurta ayaa la wareegaysa

Markaad cusbitaalka ka soo noqotaan ee aad guriga timaadaan waxaad xidhiidhka koowaad la yeelan doontaa xarunta daryeelka caruurta (BVC-da). Markaas ayay kalkaaliso BVC-da ka socotaa guriga idinku soo booqan doontaa.

Waxaad heli kartaa turjumaan

Haddii aanad Iswiidhish ku hadlin ayaad turjubaan xaq u yeelan kartaa.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page