Qarashka bukanaha
Patientavgifter – somaliska

Skriv ut (ca 5 sidor)
Skriv ut

Intee qofku bixin karaa?

Intee qofku bixin karaa?

Qofku waxa uu inta badan bixiyaa qarashaka la kulanka dhakhtarka

Caafimaadka – iyo daryeelka bukaanka ee Iswiidhan  waxaa intiisa badan bixiya maamulka caafimidka ee gobalada iyo canshuurta dagmooyinka. Qarashka uu qofku bixinayo tusaale ahaan markii uu dhakhtar la kulmo, waa mid  kamid ah qarashka labixiyo, aadna u yar  markii loofiirsho  guud ahaan qarshka rasmiga ah. 

Kaasi ma’quseeyo  daryeelka caafimaadka ee ay iskaleeyihiin shirkado iyo shaqsiyaad gooni u leeyihiin kaasoo tusaale ahaan sameeya caafimaadka ama isqurxinta qalitaanka jirka ah ee dadku isku sameeyaan kaas oo aan loo arkin mid caafimaad. Qarashka noocaas ah qofka ayaa bixinaya dhamaantiis.

Qarashyada kala duwan oo ay bixiyaan maamulada caafimaadka ee gobolada iyo dagmooyinka

Maamulada caafimaadka ee gobolada iyo dagmooyinka ayaka ayaa badanaa go’aan ka’gaara qarashka qofku bixinayo marka uu dhakhtar la kulmayo ama arimo kale oo daryeelka caafimaadka ah yeelanayo ama dalbanayo. Inta badan qarashku waa isku mid markii lafiirsho qaybaha kala duwan ee maamulada caafimaadka ee gobalada. Hadii qofku u baahanyahay daryeel aad u badan waxaa jira nidaam la yiraahdo daboolka qarashka badan(högkostnadsskydd) taas oo siwanaagsan loogu sharixi doono cutubka soosocda.

Qiyaas ahaan qarashka hoos kuqoran waxa uu quseeyaa daryeelka caamka ah ama kan guud iyo kan/rugaha shirkado iyo shaqsiyaad gooni loo leeyahay kaasoo oo caqdi kala dhexeeyo maamulka caafimaadka ee gobolada.

Markii qof ladhigo isbitaal waxa uu bixinayaa qarash la dhaho qarashaka maalinta(dygnsavgift) kaas oo sida sharcigu qorayo gaaraya 80 kronor ugu badnaan

Markii qofku lakulmayo dhakhtarkiisa jooga rugta daryeelka waa kala duwanyahay qarshku waxa uuna u dhaxeeyaa 150 ilaa 250 kronor. Marka lala kulmayo dhakhtarka naagaha ama kan ilmaha waxa uu qarshku u dhaxeeyaa 200 ilaa 350 kronor. Hadii qofka  loo qoro(remiss)  warqad cadaynayas  u gudbin qof bukaanka ah isbitaal iwm   (u gudbin qof buka isbitaal ama daryeel gaar ah (sida dhakhtar raajada ama waxa lamid ah)) markaas looma baahna in labixiyo qarash dheeraad ah. Markii loo tagayo dhakhaatiirta takhasuska goonida ah leh  waxa  uu qarshku u dhaxeeyaa 150 ilaa 350 kronor. Markii la’aadayo gargaarka dagdaga ah ee isbitaalka, qarssku waxa uu gaarayaa 220-380 kronor. Markii lala kulmayo neersinka ama kalkaaliyaha dhakhtarka ama kan jimicsiga waxa uu qarashku gaarayaa 50-220 kronor markasta oo lala kulmo.    

Qaar kamid ah maamulada gobolada ee caafimaadka waxa ay qaataan lacagta ambalaasta ha ahaato diyaarad ama baabur waxa soo qaaday bukaanka, markii qafka bukaanka ah lasoo qaado ee lakeeno isbitaalka.

Qaar kamid ah maamulada gobolada ee caafimaadka waa sooceliyaan lagata baxday markii dhakhtarka lala kulmay, hadii waqti dheer oo kabaxsan kan lagu heshiiyay lasugo.

Hadii qof uusan iska kansalin ama joojin waqti aan ku habooneyn ama uusan awoodin in uu ku yimaado waqtiga,  kaaso uu balansaday dhakhtar, waxaa markaas dhacaysa ama suurtagal ah in qofkaasi ay waajib kunoqoto in uu bixiyo qarashka kulanka dhaqtarka.  

Haddii la doorto daryeelka furan ama bukaan jiif ee ku yaala maamulka caafimaadka ee gobol kale oo aan ahayn ka qofku ka diiwaan-gashanyhay waxa qofku uu bixinayaa kharashyada bukaanka ee ka shaqeeya maamulka caafimaadka gobolka ee qofku ka helayo daryeelka.

Daryeel bixiyaasha caafimaadka ee kale wax laga yaabaa in ay leeyihiin qiimeyaal go'an ee kale

Qofka asagu shaqsiyan kujira caymiska daryeelka caafimaadka ama shirkada uu u shaqeeyo ay kabixiso caymiska daryeelka caafimaadka, kuwaasi waxa ay leeyihiin shruudo kale oo cadaynaya qarashka uu qofku bixinayo

Daryeelka caafimaadka iyo daawaynta qofka jiran(hälso- och sjukvården) ee xaafada ee quseeya dadka waaweyn ee jiranaa mudo dheer, waxa ay leeyihiin qiimeyaal go’an ee kala duwan oo loogu talaglay daryeel kooda kaasoo ay bixiso neersinka ama kalkaaliyaha caafimaadka.  

Iswiidhiska dagmooyinkiis iyo maamuladiis gobolada ee caafimaadka bagooda intenetka waxa laga helikaraa cinwaanada ama adareesyada xaafadaha, maamulada gobolada ee caafimaadka iyo gobolada. Kuwaasi waxa ay kusiinayaan ama kuu sheegayaan warbixintii ugu dambaysay ee ku saabsan qarashka aad bixin lahayd.

Qarsha dadka aan Iswiidhika ahayn/ajaanibta ah

Dadka ajaanibta ah xaq ayay u leeyihiin daryeelka dagdaga ah ee Iswiidhan.

Hadii qofku u dhashay wadankale ee yurub ah(EU-land) ,EES-land ama Iswiserland markaas waxaa loo bahanyahay in qofku haysto kaar/warqad caymiska dayeelkacaafimaadka  ee yurub, kaarka yurubka ah(EU-kort) waxa uu cadaynayaa in qofku xaq u leeyahay daryeelka gargaarka dagdaga ah iyo in uu qofku bixin karo qaraska caadiga ah ee qofka bukaanka ah uu bixiyo. Hadii qofku uusan haysan taas waxa uu bixinayaa qarshka daryeelka caafimaadka oo dhan.

Laakiin hadii qofku doonayo daryeel aan ahayn kan dagdaga ah, rabana in uusan bixin lag kabadan tan qofka bukaanka ah uu bixiyo, markaas waxa loo bahanyahay in uu qofku la yimaado warqad cadeeyn ah oo sheegeeysa in qofka wadankiisu uu bixinayo qarashka daryeelka. Hadii qofku uusan haysan taas waxa uu bixinayaa isagu qarshka daryeelka caafimaadka oo dhan.

Inteeda badan dadka u dhashay wadamada yurub (EU-land) ,EES-land ama Iswiserland ayaka ayaa bixiya qarashka daryeelka caafimaadka oo dhan xataa hadii daryeelkaasi yaha kan dag daga ah.

Hadii qof Iswiidhish ah uuku  jirado wadanka dibadiisa

Kaarka caymiska ee yurub, oo laga dalban karo hay’adda caymiska(Försäkringskassan), ayaa qofka Iswiidhiska ah xaq u siinaysa daryeelka dagdaga ha hadii qofku joogo wadamada yurub (EU-land) ,EES-land ama Iswiserland, waxa uuna xaq uleeyahay in uu bixiyo qaraska dadka wadanka u dhashay bixiyaan. Lakiin hadii qofku joogo wadamada la’isku dhaho waqooyiga yurub ee ka kooban (Danmark, Finland, Island, Norge och Sverige iyo Åland ,Grönland ) markaas uma baahna in uu tuso kaarka caafimaadka ee yurub.

Hadii qofku daryeel caafimaad rabo joogona wadan kabaxsan wadamada yurub (EU-land) ,EES-land ama Iswiserland sida badan wadamadu ma bixiyaan qarashka uu qofku bixiyay, ama meesha aad katimid ha ahaato Iswiidhan ama ha ahaato wadanka aad joogto laftirkiisa.

Sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in qofku leeyahay caymis daboolaya qarshkaas oo gooni u ah isaga, tusaale ahaan qaraska taransboorka ee qofka lagu keenayo isbitaalka. Hadii qofku leeyahay caymiska guriga waxaa badanaa lasocda ama kamid ah caymis daboolaya qayb kamida ah qarshka uga baxa daryeelka caafimaadka markii qofku wadan kale aado.

Boga hay’dda caymiska(Försäkringskassans) ayaa laga heli karaa warbixin dheeraad ah oo kusaabsan daryeelka caafimaadka markii qof uu joogo wadanka dibadiisa

Fäll ihop

Daboolida Qarshka badan (Högkostnadsskydd)

Daboolida Qarshka badan (Högkostnadsskydd)

Waxa jirta caddad ugu sareeya looguna talogalay inta aad u baahantahay inaad ka bixiso daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ee maamulka caafimaaadka ee gobol ku yaala. Daboolida kharashka badan waxay khuseysaa xitaa haddii aad daryeel ka raadsato maamulka caafimaadka gobol kale oo aan ahayn ka aad deggantahay.

Daryeelka  ilkuhu kuma jiro daboolida Qarshka badan ee daryeelka bukaanka.

Lakiin daboolida qarashka badan waa shaqaynayaa ama waa loo ogolyahay hadii qofku u baahanyahay daryeel badan oo ilkaha ah oo mudo dheer soconaya oo qofku joogto daryeel  maalinkasta ah u baahanyahay. Sidoo kale daboolida qarashka badan waa shaqaynayaa ama waa loo ogolyahay hadii qofka ay hayso jiro ubaahan ama sababaysa in ilkaha ladaaweeyo marka hore  sida jiradaas wax looga qabto.

Daawada dhakhtarka, neersin/kalkaaliye ama qofkale oo ka shaqeeya rugta caafimaadka ee awood uleh inuu qoro dawo ay qoraan waxa ay leedahay daboolida qarshka badan (Högkostnadsskydd) oo  badnaan loogu talagalay in qofku bixiyo lacag gaaraysa ilaa 2 200 kronor sanad kasta gudahiisa. Daawada aan u baahnayn in dhakhtar qoro kuma jirto daboolida qarshka badan.

Xataa waxaa jira daboolida qarshka badan (Högkostnadsskydd) oo loogu talagalay hadii qofku jirado asaga oo safar ku maqan ama u baahanyahay alaabaha tekniga ah/ama biraha la’isticmaala marka qofku jiranyahay, taasna waxaa go’aan ka gaara maamulada gobolada ee caafimaadka. Taas macneheedu waxa uu yahay in qarashku maamulada gobolada ee caafimaadka kala duwanyahay.

Fäll ihop

Daawada qarash la’aanta ah ee caafimaadka iyo daaweeynta jirada

Daawada qarash la’aanta ah ee caafimaadka iyo daaweeynta jirada

Qayb kamid ah caafimaadka iyo daaweeynta jirada waxa ay noqon karaan qarash la’aan marka la ego sida ay qabaan qayba kamid ah maamulada caafimaadka ee gobolada. Laakiin daawada laqoray inta lagu jiro kulumadas daryeelka, qofak ayaa iska bixinaya.

Marka loo tagayo umulisada iyo rugata qaabilaada caruurta(MVC och BVC) waa qarasha la’aan dhamaan wadanka oo dhan.

Marka latagayo iskoolka daryeelkiisa caafimaadka looma baahna in qarash labixiyo sidookale talaalka iskoolku bixigo waa qarash la’aan.

Inta bada maamulada caafimaadka ee gobolada uma baahna caruurta iyo dhalinyarada ka’yar 20 sano in ay bixiyaa qarash markii ay tagayaa daryeelka caafimaadka iyo daawaynta bukaanka ee furan, tusaale ahaan marka ay tagayaan rugata caafimaadka iyo meelaha lagu qaabilo dhalinyarada.  

Sida kuqoran sharciga kahor taga isqabadsiinta cudurada faafa, wax uu leeyhay  markii qofka laga daawaynayo cudur laga yaabo in uu bulsho waynta wax udhibo markaasi waa qarash la’aan daawada qofkaasi.

Fäll ihop
Skriv ut (ca 5 sidor)
Senast uppdaterad:
2016-11-10
Redaktör:

Tifatiraha wargeyska: Ingemar Karlsson Gadea, 1177 Vårdguiden

Granskare:

Baaraha ama hubiyaha: Hasse Knutsson, oo ah ninka uxilsaaran qaybta daryeelka iyo xanaanada ee Sveriges kommuner och Landsting, Stockholm.