Sir haynta shaqada iyo qarsoodi
Tystnadsplikt och sekretess – somaliska

Skriv ut (ca 4 sidor)

Marka la aado xannaanada waxaa muhiim ah in lagu kalsoonyahay shaqaalaha lalo kulmo. Kalsooniddu waxay muhiim u tahay si uu qofku u dareemo in uu aaminyahay iyo si uu u awoodo in uu uga hadlo si bannaan dhibka hayo ama ifafaalaha uu isku arkay oo markaasna uu u helo xannaanada uu u baahanyahay. Sidaas daraadeed bay dadka oo dhan oo ka shaqeeya xannaaneynta- iyo daryeelka bukaanka (hälso- och sjukvården) u qabaan sir haynta shaqada. Mabda'a aasaaska ah waa in uusan qof ka shaqeeya xannaada bukaanka uusan dhiibi karin warbixin haddii uusan bukaanku oggolaanshihiisa dhiibin.

Skriv ut

Läs texten på svenska här.

Waxaa markaas oo kale laga wadaa tusaale ahaan warbixin ku saabsan jirrada uu qofku qabo, daryeelka uu qofku helayo ama warbixin ku saabsan xaaladda gaarka ah ee qofka. Sir haynta shaqada ee dadka ka shaqeeya dowladda, maamulka gobolka ee caafimaadka (landsting) iyo degmooyinka waxaa hoggaamiya sharciga dadweynaha- iyo qarsoodida (offentlighets- och sekretesslagen), laakiin dadka ka shaqeeya xannaano-bixiye gaar ah waxay raacayaan sharciga ku qoran sharciga nabadgelyada bukaan jiifka (patientsäkerhetslagen). Qofkii ku xadgudba sharciga sir haynta shaqada waxaa lagu xukumi karaa maxkamad ama siyaabo akle baa lagu ciqaabi karaa oo waxaa ciqaabaya hey'adaha ka warhaya xannaanada bukaanleyda (vården).

Xittaa shaqaalaha dhexdooda oo ka shaqeeya isbitaal ama rugta caafimaadka waxay ku xiranyihiin sir haynta shaqada. Dadka xannaaneynaya bukaanka keliya baa iskala hadli kara xaaladda caafimaad ee bukaan jiifka ama xidhiidhyaha gaarka ah ee bukaan jiifka iskala dhex hadli kara. Taasi micnaheedu waa in tusaale ahaan dhakhtar uusan kala hadli karin xaaladda bukaan jiifka uu xannaaneynayo qof kale anaan ahayn shaqaale kale oo xannaaneynaya bukaan jiifka.

Sir haynta shaqada waxaa soo hoos gelaya shaqaale kasta oo uu qofku kula kulmi karo xannaanada. Iyada oo aanan loo fiirin haddi xannaaneyn guud am amid gaar ay tahay iyo sidoo kale iyada oo aanan loo fiirin haddii ay tahay dhakhtar, kalkaaliso ama shaqaalaha maamulka ka shaqeeya. Sir haynta shaqada sidoo akle waxaa soo galaya dadka ka sjaqeeya farmashiyaha.

Marka laga hadlo carruurta yaryar waalidka baa go'aaminaya warbixinta la dhiibi karo iyo tana an la dhiibi karin. Marka uu ilmuhu weynaado oo loo arko in uu caqliyeystay iyada oo loo eegayo arrimahaan, ilmaha baa keligiis go'aaminaya haddii ay shaqaaluhu dhiibayaan warbixin ku saabsan iyaga iyo cidda ay u dhiibayaan warbixintaas. Marka ma jiro xad oo da'da ah oo khaas ah marka laga hadlo marka u ilmuhu keligiis wax go'aaminayo ee waa ay kala duwanyihiin dadku waana in la go'aamiyaa markaas. Waxaana sidoo kale dhici karto in aysan waalidku ogaanin xaaladda caafimaad ee ilmaha.

Qofka keligiis buu go'aanka leeyahay

Qofka keligiis buu go'aanka leeyahay

Sharciyadu waxay u jiraan si uusan xittaa dadka kuu dhow aysan xaqq u lahayn in ay ogaadaan waxa ka dhaca ama lagu sheego isbitaalka haddii uusan qofku rabin in uu ay ogaadaan. Caadi ahaan shaqaalahu waa ay weydiiyaan bukaanka qofka uu rabo in uu warbixinta siyo in kan kale. Qofka keligiis baa markaas dooranaya dadka warbixintiisa loo dhiibi karo. Tusaale ahaan qalliin ka hor baa waxaa loo sheegi karaa shaqaalaha in ay dad kale u sheegi karaan qalliinka sida uu u dhacay bukaan jiiflahii oo wali ka soo kicin hurdadii qalliinka.

Fäll ihop

Caruurtu waxay kaloo xaq u leedahay in sir

Caruurtu waxay kaloo xaq u leedahay in sir

Caruurta iyo da'yarta ka yar 18 sanno waxa khuseeya in waalidku caadi ahaan xaq u leeyihiin inay ka qayb-qaataan caafimaadka caruurtooda oo ogaadaan waxa ku qoran diiwaanka. Laakiin caruurta iyo da'yarta ka yar 18 sano waxay xaq u yeelan karaan inay iyagu qof-ahaantooda go'aansadaan haddii shaqaalaha caafimaadku ay bixin karaan macluumaad iyo qofka la siinayo. Tani micnaheedu waa in waalidka ama qof kale oo u dhow aanay mar kastaba xaq u lahayn inay ogaadaan waxa ilmuhu u sheegay shaqaalaha caafimaadka ama waxa ku qoran diiwaanka.

Micnihii ma jiro xad da' gaar ah oo loogu talogalay marka ilmuhu qof ahaantiisa u go'aansanayo balse waxa ay ku xidhantahay qofka.

Haddii dadka jooga goobta xannaanada bukaanleyda (sjukvården) ama xafiiska arimaha bulshada (socialtjänsten) ay tuhmaan in waalid uu wax ku suubiyo ilmahiisa, ama in waalid uusan ilaalin karin, lama siinayo buuga warbixinta caafimaadka ee ubadkooda.

Qofka ka yar 18 sanno ee booqda rugta qaabilaada dhalinyarada waxa halkaas ka shaqaysa waajibka sir haynta dhinaca arrimaha badankooda. Waajibka qarsoodiga ee shaqaalaha waa la jabin karaa haddii adigu qof ahaantaada aad bixiso oggolaanshahaaga iyo haddii caafimaadkaagu ku jiro khatar.

Fäll ihop

Mararka la reebay sir haynta shaqada

Mararka la reebay sir haynta shaqada

Xittaa haddii axyaabo badan soo gelayaan qarsoodida iyo sir haynta shaqada, qarsoodida waa la jebin karaa duruufaha qaarkood, iyada oo uusan bukaanku dhiibin oggolaanshihiisa. Tusaale ahaan haddii

  • maxkamad, xeer ilaaliye-, boolis-, hey'add aqasab ku aruurinta lacagta ama laanta canshuuraha ay rabaan in ay ogaadaan in qof khaas ah uu joogo rugta daryeelka ee dadka buka
  • talada maamulka arimaha bulshada (socialstyrelsen) ee su'aalaha sharciga ah, su'aalaha la xidhiidha bulshada ama daawada ay warbixin u baahanyihiin hawlahooda
  • haddii maamulka gaadiidka (transportstyrelsen) ay u baahanyihiin warbixin si ay u tijaabiyaan haddii uu qof u habboonyahay in uu qaato kaadhka wadista gaadiidka, kaadhka wadista cagafcagaf ama kaadhka wadista taksiga
  • warbixinta baa loo baahanyahay haddii la tijaabinayo in arday laga jaamacadda
  • warbixinta waa loo baahanyahay haddii la suubinayo baaritaanka daaweynta sharciga ah.

Marka qof lagu tuhmo sharci jabin weyn oo keeneysa ugu yaraan hal sano oo xabsi ah waxay shaqaalaha xannaanada dhiibayo xaqq u leeyihiin in ay jebiyaan sir haynta iyaga oo ku dacweynaya booliiska dembigaas oona ka jawaabaya su'aalaha booliiska- iyo xeer ilaaliyaha. Dembiyaashaas tusaale waxaa u ah dil, kufsasho iyo jidhdil nuuca daran. Waxaa sidoo kale jira dembiyada gaadiidka oo ay ciqaabtoodu derejo hooseyso leedahay sida gaadiid wadida qofkii oo khamreysan oo shaqaalaha xannaanadu ay xaqq u leeyihiin in ay dacweeyaan.

Reebitaanka khaaska ah ee khuseeya carruurta

Marka laga hadlo carruurta waxaa la reeba sir haynta shaqada haddii ay shaqaaluhu tuhmayaan in ilmaha dembi lagu suubinayo. Waxaay markaas arrintu ahaan kartaa jidhdil ama xadgudubka ku saabsan galmoodka oo laga galay carruurta.

Haddii shaqaalaha xannaanada ay tuhmayaan in ilmo wax xun lagu suubiyay waa in shaqalaahaas ay ku dacweeyaan tuhmooyinkaas xafiiska arimaha bulshada (socialtjänsten) oo suubinaya baaritaan iyo keddibna ku dacweynaya booliiska. Isla sidaas oo kale weeye haddii uu baaritaan socdo oo la fiirinaayo haddii uu qof da'yar ah u baahanyahay gabbaad. Markaas xittaa shaqaaluhu waxaa waajib ku ah in ay dhiibaan warbixinta muhiim u ahaan karta baaritaanka.

Qasnadda ceymiska (Försäkringskassan) iyo shirkadaha ceymiska

Qofku keligiis buu go'aaminayaa haddii gobta caafimaadka- iyo daryeelka bukaanka (hälso- och sjukvården) ay dhiibi karaan warbixin ku saabsan jirrooyinka uu qofku qabo ama daryeelka qofka la siinayo. Laakiin haddii la jirranyahy oo laga dalbado försäkringskassan lacagta bukaanka waa in shaqaalaha xannaanadu ay dhiibaan warbixinta loo baahanyahay si loo qiimeeyo haddii uu qofku qaadan karo lacagta bukaanka iyo in kale.

Waa isla sidaas oo kale haddii uu qofku dhaawacmay ama uu jirranyahay oo uu ka rabo shirkad ceymis ah lacag. Haddii la dalbado in la qaato lacagta ceymiska ee uu qofku leeyahay shirkadda ceymiska waxay xaqq u leedahay in ay ka qeybqaadato warbixinta muhiimka u ah qiimeynta haddii uu qofku lacagt xaqq u leeyahay iyo haddii kale.

Jebinta sir haynta shaqada

Haddii uu xittaa jiro xaalado oo shaqaaluhu ay ka bixi karaan sir haynta ama ay tahay khasab in ay jebiyaan sir hayntaas waa xaalado gaar ah keliya. Fikradu waa in sir hayntu ilaaliso bukaanka.

Haddii uu bukaanku tuhmo in shaqaale ka mid ah shaqaalaha xannaanada bukaanka uu ku xadgudbay sir haynta waxaa lagu dacweyn karaaa booliiska ama Maamulka adeega bulshada (Socialstyrelsen). Taasi waxay keeni kartaa in qofka lagu oogo dacwad oo lagu xukumo.

Fäll ihop
Skriv ut (ca 4 sidor)
Senast uppdaterad:
2016-11-11
Redaktör:

Tifatiraha: Ingemar Karlsson Gadea, 1177 Vårdguiden

Granskare:

Hubiye: Pia Aprea, xidhiidhiye, gudida bukaanka, Region Skåne, Malmö