Dhaqso uga bax bogga!
Jidhka

Su’aal: Waxa la igu sameeyey gudniinka xubnaha taranka, sidee ayaa la ii caawin karaa?

Jag är könsstympad, hur kan jag få hjälp? - somaliska

Su’aal

Waxa la igu sameeyey gudniinka xubnaha taranka, sidee ayaa la ii caawin karaa? Waxaan maqlay in qaliin la isku sameyn karro. Miyey waalidkeygu u baahan yihiin inay ogaadaan haddii qaliin la igu sameeyo? Gabadh 17 sanno jir ah.

Jawaab

Waxaad heli kartaa caawimo fiican. Taas waxaad ka heli kartaa ungdomsmottagning, qeybta cudurada dumarka ama rugta caafimaadka, vårdcentral. Waxaad la xidhiidhi kartaa skolsköterskan haddii aad dugsiga dhigato.

Waxa jirta rug u khaas ah qofka loo sameeyey gudniinka xubnaha taranka ee dumarka: AMEL-mottagningen oo ku taala magaalada Stockholm Vulvamottagningen oo ku taala Angered. Waxaad halkaas aadi kartaa meesha aad doontaba aad ka deganaatid wadankee. Waxaad caawimo ka helaysaa jidh ahaan iyo sidaad maskax ahaan dareemayso.

Waad saxsan tahay in laguu sameyn doono qaliin haddii aad doonayso iyo haddii loo baahdo. Qaliinku waxa uu ka saari karaa boog ku xanuunaysa, ama waxa la furi karaa hoostaada si ay kuuga dhib yaraato inaad kaadido oo caadaddu kaa timaado. Qaliinku waxa uu si wanaagsan kaaga caawin karaa haddii ay kugu adagtey inaad galmooto ama hadda aad ku raaxaysato galmada. Waxaad heli doontaa warbixin dheeraad ah marka lagu caawinaayo.

Uma baahnid inaad kala hadashid waalidkaaga, haddii aanad rabin. Waxa lagu caawin karaa oo qaliinka laguu sameyn karaa xataa haddii aanay u baahneyn inay ogaadaan.

Waxaad markasta ka heli doontaa caawimo turjumaanka haddii aad u baahato.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Sawiro taxan: Gudniinka xubinta taranka ee dumarka – xalaaleynta xubinta taranka

Gudniinka xubinta taranka dumarka ayaa waxa sidoo kale loo yaqaanaa xalaaleynta xubinta taranka. Taasi micnaheedu waxa weeye in qof uu gooyey ama uu dhaawacay qaybo ka mid ah xubinta taranka ee dumarka. Waxa jira caawimaad fiican oo aad heli kartid haddii aad dhibaato dareemayso gudniinka kadib. FG: sawirro xassaasi ah!

Mawduuc

Xubinta taranka dumarka

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa qeybaha kala duduwan ee xubinta taranka dumarka iyo sida ay xubinta taranka dumarku u shaqeyso. Xubinta taranka dumarka waa qeyb jidhka oo wanaagsan taas oo kaaji karta,caadadu ka timaado, galmo sameyn karta, carruurta ka soo dhalatto oo dareen wanaagsan leh.

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare