Dhakhtarka cudurada dumarka iyo tijaabo ka qaaditaanka unugyada
Gynekologisk cellprovtagning - somaliska

Skriv ut (ca 12 sidor)
Skriv ut

Soo koobitaan

Soo koobitaan

Hadii si joogta ah looga qaado tijaabo ungyada xibinta dhalmada ee nagaha, waxaa laga hortagikaraa in ilmogaleenka kansar ku dhaco. Tijaabada unugyada waxaa laga qaadayaa qayb kamid ah ilomgaleenka ee xubinta dhalmada, markii taas la sameeyo isla markiiba waxaa la’arki karaa in qofku qabo isbadalo xaga unugyada ah oo keeni kara kansar ku dhaca ilomgaleenka.

Isbadelada unugyada intooda badani waa isbadalo sahlan oo iskood u raysta, laakiin qayb kamidaha kuwaas waxay u baahanyihiin in laga soo saaro meesha. Dhacdo aan aad u badanayn oo dhacda mar mar dhif ah ayaa waxaa laga yaabaa in tijaabada unugyadu ay muujiyaan in qofku kansar qabo. Markaasna kansarku waxaa uu noqdaa mid bilaaw ah oo daawayntiisu ay sahlantahay oo waxyeelo badan aan jirka ku reebayn.

Si joogta ah ayaa dumarka Iswiidhiska ah loogu yeeraa si ay isga qaadaan tijaabada unugyada ee cudurka dumarka, kaas oo la dhaho/loogu yeero screenings. Hadii qofka da’diisu u dhaxayso 23 ilaa 50 asano waxaa loo yeera sadexdii sano hal mar. Markaas kadibna sida caadiga ah waxaa loo yeraa shantii sano hal mar ilaa qofka da’diisu ay ka gaarayso 60 sano. Nidaamka u yeeristu waa kala duwanyahay hadii qofka da’diisu ka wayntahay 50 sano, taasina waxa ay ku xirantahy hadaba qofku meesha uu daganyahay.

Qofku waa dhiibi karaa tijaabada unugyada hadii uu la kulmo umulisada ama dhakhtarka naagaha si uu umaro baaritaanka cudurda naagaha ee quseeya arimo kale.

Diyaargaroow 

Haddii aad caado ama dhiig qabtid baaritaan unug ma sameyneysid. Waxaad qabsan kartaa ballan cusub haddii maalinta lagu ballamiyay ay caadadu ku hayso. Baaritaan unug waa la sameyn karaa xitaa haddii uur aad leedihid.

Sidee baaritaanku u dhacayaa?

Markii qofka laga qaadayo tijaabada dharka ayuu ka bixinayaa jirka qaybtiisa hoose, wuxuuna ku seexanayaa miiska baaritaanka. Dhakhtarka iyo umulisadu siyaabo kaladuwan ayay tijaabada u qaadaan. Badanaa waxa ay isticmaalaan qalab loogu talagalay in lagu baaro ilmo galeenka, kadina buraash yar oo jilicsan ayay ku baaran dhuunta ilmo galeenta qaybteeda hoose.

Badanaa waxaa laga yaabaa in uu qofku su’aalo kajawaabo, marka laga qaadayo tijaabada. Jawaabto aad ayay muhiim u tahay si loo aamino natiijada tijaabada qaabkeeda.

Tijaabo ka qaaditaanku xanuun maleh waxayna qaadanaysa daqiiqado yar in la sameey tijaabada. Natiijada unugyada jawaabtooda  waxaa la helaa mudo lix asbuuc gudohood ah.

Sidee qofka caafimaadkiisu noqonayaa tijaabada kadib?

Tijaabo qaaditaanka wax dhib ah kama imaanayaan. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in qofka dhiig ka yimaado tijaabada kadib laakiin taasi dhib maleh.

Fäll ihop

Waa maxay tijaabada unugyada cudurada dumraka?

Waa maxay tijaabada unugyada cudurada dumraka?

Maritaanka tijaabada unugyada

Baaritaanka unugyada ee la xiriira cudurada naagaha, waa mid tijaabo laga qaadayo ilmo galeenka qatbtiisa hoose , kaas oo magaciisa la dhaho daboolka ilmo galeenka kaasoo ku dhamaanaya siilka/cambarka naagaha. Jawaabto waqti hore ayay sheegaysaa in qofka unugyadiisa isbadel keenikara kansarka ilmo galeenka ku yimid iyo inkale. Isabadalada ku yimaada unugyada ee la arko, intooda badan waa isbadalo sahlan oo iskood u daawooba, laakiin qayb kamid ah kuwaas waxay u baahanyihiin in lasoo saaro. Tijaabadu waxa kale oo ay sheegi kartaa kansar inkasta oo taasi badanaa aysan dhicin.

Hadii qofku si joogta ah u maro tijaabada unugyada wuxuu qofku helayaa difaac adag oo xaga kansarka ilmo galeenka ah, sababtoo ah  tijaabda ayaa sheegaysa isbadalka ku yimid unugyada inta aysan kansar noqon.

 

 

Tijaabada unugyada waxaa laga qaadaya dhuunta ilom gallenka qaybtiisa hoose, geeska ilmo galeenka ee uu siil/cambarka naagaha ka bilaabanayo.                                                                                                                 

ilomgaleen   = livmoder

ukun=äggstock                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                    dhuunta ilmo galeenka = livmoderhals                                                                                                                                                                                                         siil/cambarka siil/cambarka naagaha= livmodertapp                                                                                                                                                                                                                                         ilmo galeenka qaybteeda hoose oo uu siilka ka galo= slida

Baaritaana joogtada ah

Baaritaanka unugyada naagaha waxay kamid tahay baaritaanka caafimaadka ee loo yaqaano screening, kaasoo lagu dhiiri galiyo dumarka Iswiidhan in ay si joogto ah u sameeyaan. Taaso keenaysa in lagu ogaado isbadlka unugyada, si loo daaweeyo waqti hor, taasina waxa ay keentay inuu aad u yaraado kansarka ilom galeenka, 40 kii sano ee u dambeeyay.

Tijaabada unugyada ee la xiriira arimo kale

Tijaabada unugyada cudurada naagaha waxaa la dhiibi karaa markii lala kulmayo umulisada ama dhakhtarka naagaha markaas oo la baarayo cudurda naagaha ee limo galeenka, ayada oo ay jirto sababo kale. Mararka qaarkood waxay tijaabda unugyada noqon kartaa qayb kamid ah baaritaanka cudurda naagaha, tusaale ahaan in qofka dhiigiisa ibadel ku yimd iyo inkale, waxa kale oo ay ahaan kartaa fursad fiican oo ku haboon in la maro tijaabada nidaamka la dhaho screening. Waxaa laga yaabaa in ay ku haboontahay in lamaro tijaabada maadaama laga yaabo in uu soo dhawyahay waqtigii qofka loogu yeerilahaa in uu maro tijaabadaan, ama qofku uu gafay waqti hore oo tijaabada uu samayn lahaa.

Isbadalaka unugyada iyo kansarka

Isbadalka unugyada waxay ku xirnaankaraan dhib kayimaada qaybaha jirka ee shiida balqanka, dhibkaa oo ay dhalisay bakteeriyada ama wax kale oo kayimid faayras infakshan ama xanuun qaadis ah. Kaasi waa nuuca ugu badan  ee ah isbadaleda ku yimaada unugyada ee iskiisa u raysata. Iabadelada kale ee unugyada ee keeni kara kansarka ilmo galeenka si fudud oo dhibyar ayaa loo soo jaraa.

Hadii qofku haysto/helo natiijada tijaaba unugyada oo aan caadi ahayn, waxaa sida badan la sameeyaa baaritaan oo badanaa qofka waxaa loogu yeeraa baaritaan caafimaad. Markaasna waxaa qofka lagula taliyaa in laga soo gooyo unugyada jiran ama uu sugu inta unugyadau iskood u raysanayaan.

Waxay qaadataa waqti dheer inta isbadelka unugyadu isu badalayaan kansarka ilmo galeenka, sida badan toban ilaa shan iyo toban sano. Marna ama badanaaba ma dhacdo in lahelo unugyo durbadiiba kansar isu badalay marka la qaadayo tijaabada unugyada, laakiin mar mar qor ah ayay dhacdaa. Markaasna kansarku waa bilaaw, daawayntiisuna waa sahlantahay oo dhib badan kama yimaado.

Sanad kasta wuxuu kansarka ilom galeenka ku dhacaa 450 hablood oo Iswiidhish ah, intaas inkabadan qiyaas ahaan 30 000 oo habloodna waxaa  loo sheegaa in unugyadoodu isbadaleen.

Fäll ihop

Naagaha si joogta ah ayaa loogu yeeraa.

Naagaha si joogta ah ayaa loogu yeeraa.

Naagaha waxaa loo yeeraa sadexdii sano mar.

Naagaha da’doodu u dhaxayso 23 ilaa 50 asano waxaa loogu yeera tijaabada unugyada sadexdii sano hal mar. . Markaas kadibna waxaa loo yeraa shantii sano hal mar ilaa qofka da’diisu ay ka gaarayso 50 iyo 60 sano. U yeeritaanka waqtigiisu waa kala duwanyahay hadii qofka da’diisu ka wayntahay 50 sano, taasina waxay ku xirantahy hadaba qofku meesha uu ka daganyahay wadanka. Haweenka horay looga daaweeyay isbadelka unugyada waxa ay u baahanyihiin in lagu sameeyo ama ay maraan tijaabada unugyada oo koontorool ah markii da’doodu dhaafto 60 sano. Warqada yeeritaanka waxaa loo diraa adareeska qofku daganyahay, ka qayb qaadashada baaritaanku qasab ma aha ee waa hadii qofku doonayo. 

Meeshee qofku  tagayaa si uu u marao tijaabada?

Markii qofku helo warqad loogu yeerayo, wuxuu tagayaa meesha ugu dhaw oo ay umulisadu joogto ama dadka ku qaabisho si tijaabada unugyada looga qaado, meeshaas oo xataa la dhaho rukta daawaynta hooyada. Sida badan wuxuu qofku hela ama loo sameeyaa waqti uu hadii uusan imaan karin iska badali karo. Meelaha ama dagmooyinka qaarkood wuxuu qofku helikaraa inuu balansado meelo kale ee hablaha lagu qaabilo.

Hadii qofku maro tijaabada unugyada ayadoo la baarayo cudurada nagaha ee la xiriira ilmo galeenka, tusaale ahaan markii qofka la siinayo talo kusaabsan ka hortaga ilmaha ama dhakhtarka baara cudurada naagaha baaritaan uu ku sameeynayo. Markaas waxaa qofka faylka loo galiyaa in loogu yeerayo tijaabada unugyada sadex ama shan sano kadib.

Fäll ihop

Dadka qaar ayaan u baahnayn in ay tijaabo maraan

Dadka qaar ayaan u baahnayn in ay tijaabo maraan

Dadka da’doodu ka yartahay 23 ama kawayn 60 sano looma yeero

Hadii qoka da’diisu kayartahay 23 sano looguma yeeraya baartaanka unugyada. Isbadelaka unugyada waa wax caadi ah oo dhaca xataa markii qokfka da’diisu ka hooseeyso 23 sano, lakiin isbadelada ku yimaada naagaha da’da yar  intooda badan caadi ayay ku soo noqdaan oo way iska tagaan. Badanaa caadi ma aha in isbadelada unugyada ay durbadiiba isu badalaan kansarka ilmo galeenka. Hadii qofku ka qaybqaato baaritaanada unugyada cudurada naagaha ee ku dhaca ilom galeenka, oo ay natiijadiisa tijaabada unugada ay caadi noqoto, marar badan marka uu buuxinyo 60 sano, markaas waxaa yaraanaya khatarta ama cabsida laga qabo inuu ku dhaco kansarka ilmo galeenka noloshiisa inta ka dhiman.

Qofka aan galmo sameeyn uma baahna inuu tijaabada unugyada maro 

Hadii qofku uusan waligiis galmo sameeyn uma baahna inuu tijaabada unugyada maro. Kansarka ilmo galeenku waxaa uu ku dhacaa naagaha galmada yeesha oo markaas la qabadsiiyay cudurka nuuciisu yahay HPV humant papillomvirus.

Hadii qofku qaniis yahay 

Hadii qofku qaniis yahay waxaa fiican inuu si joogta ah u marao baaritaanka unugyada madaama ay suurta gal tahay in faayriska dhaliya isbadelka unugyada uu yahay mid naagaha dhexdooda galmada yeesha ama naag, naag kale layeelata galmo ay is qabadsii karaan.

Hadii qofka laga saaray ama laga soo gooyay ilmo galeenka 

Hadii qofka laga saaray ama laga soo gooyay ilmo galeenka oo dhan, arintaas ama soo gooyntaas oo loogu yeero hysterektomi, markaas qofku uma baahna inuu maro baaritaanka unugyada, madaama ilmo galeenkii oo dhan la gooyay, marka qalitaanka la samaynayay. Laakin hadii qalitaanka sababta  loo samayay ay tahay kansarka ilmo galeenka ama isbadal unugyada ilmo galeenka ku yimid, markaas aad ayay muhiim utahay in baaritaanka si joogta ah loo tago. Markaas tijaabo ayaa laga qaadayaa siilka ama cambarka qaaybtiisa kore.

Hadii qofku uusan hubin qalitaanka sababta  loogu samayay ama waxa laga soo gooyay, markaas wuxuu qofku waydiinkaraa qalitaanka nuuca uu yahay isbitaalka qalitaanka looga sameeyay. Umulisada joogta meesha hooyooyinka lagu qaabilo ama ruka caafimaadka ee hooyooyinka, ayaa badanaa laga heli karaa caawin si loo helo akhbaartaan. Hadii qofku uusan hubin ama shaki wayn ku jiro waxaa fiicsn in lamaro tijaabada si shakiga looga baxo

Fäll ihop

Baaritaanku sidaan ayuu u dhacayaa

Baaritaanku sidaan ayuu u dhacayaa

Diyaar garoow 

Qofna uma baahna inuu si gooni ah ugu diyaargaroobo tijaabada unugyada, laakiin waa in qofku ka fogaadaa inuu galmo sameeyo ama uu isticmaalo kareem ama boomaato uu marinayo siilka, maalinta baaritaanka maalinta ka horeeyas. Hadii kale waxaa adkaanaya in tijaabada unugyada la turjumo ama la fahmo. Sidoo kale looma baahna in lamaro ama la sameeyo tijaabada unugyada, hadii qofku dhiig/xayl qabo.

Tijaabada laga qaado ilmo galeenka foodiisa

Marka qofka laga qaadayo tijaabada, dharka ayuu ka bixinayaa jirka qaybtiisa hoose, wuuna ku seexanayaa miiska baaritaanka. Tijaaba qaadaha, oo ah umuliso ama dhakhtar ayaa si tartiiba ha u kala furaya siilaka asaga oo isticmaalaya qalab loogu tala galay baaritaanka ilmo galeenka, kaas oo kulaylkiisu yahay kan jirka oo kale

Qaaditaanka tijaabadu way kala duwantahay taasoo ku xiran hadaba meesha lagu qaadayo. Badanaa waxay isticmaalaan qalab loogu talagalay in lagu baaro ilmo galeenka, ka dibna buraash yar oo jilicsan ayay ku baaran dhuunta ilmo galeenta qaybteeda hoose.

Tijaabada qaaditaankeedu waa sahlantahay oo sida badan daqiiqado yar ayay qaadanaysaa. Xanuuna ma leh. Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa in ay dareemaan dhib yar laakiin waa wax islamarkiiba dhamaanaya.

Su’aalaha laga jawaabayo

Sida badan waxaa laga yaa in qofku ka jawaabo su’aalo marka uu marayo tijaabada, tusaale ahaan

  • goorma ayay ahad maalinta ugu horeeysay ee dhiigu kugu dhacag/kaa yimid, ama goorma ayuu dhiigu kaa joogsaday .
  • iyo hadii qofku isticmaalo daawooyinka ka hortaga uurka iyo nuuca ay yihiin.
  • iyo hadii qofka laga daaweyay xanuunka yimaada waqtiga dhiiga ama xayl joogsiga
  • ama hadii qofku uur leeyahay ama uu ilmo dhalay sanadkii lasoo dhaafay

Warbixinta waxaa la raacinayaa tijaabada oo waxa ay sahleeysaa go’aanka shaybaareyaashu ama shaybaaruhu gaarayo.

Kadibna waxaa laga yaabaa in qofka dhig yar oo aan dhib badnayan ka yimaado.

Dhuunta ilmo galeenka qaybta shiida balqanka ayaa dhiig yar ka yimaadaa, oo waa caadi in dhiig yar oo aan dhib badnayn kayimaado qofka baaritaanka kadib. Dhiigaasu wuu joogsanayaa hal maalin kadib.

Hablaha uurka leh way marikaraan tijaabada

Tijaabada wax dhib ah oo ay leedahay ama ka imaanaya majirto, oo way haboontahay in la maro tijaabada, xataa hadii uur la leeyahay. Waxaa sida caadiga ah lagula taliyaa naagaha uurka leh in ay maraan tijaabada ugu dambayn asbuuca shan iyo tobnaad ee ay uuka leeyihiin, maadaama ay adkaankarto baaritaanka natiijadiisa aan caadiga ahayn hadii uurka waqtigiisu intaa kor u dhaafo

Fäll ihop

Goormaa jawaab la helayaa?

Goormaa jawaab la helayaa?

Jawaabaha badanaa wax isbadel ah ma muujiyaan

Lix asbuug gudohood ayaa warqada jawaabtu ku jiroto la helaa, laakiin mararka qaarkood waxay qaadan kartaa waqti intaas ka badan. Qiyaas  ahaa tijaabadu waxy muujisaa in 100 kii 95 ayaa wax isbadel ah aysan unugyada ku imaan, oo waxaa lagu tiriyaa in ay caadi yihiin. Markii arintu sidaas tahay, shaaybaarka ayaa jawaabta sitoos ah qofka ugu soo dira.

Hadii qofku tijaabada ka sameeyo rugta caafimaadak ee lagu qaabilo haweenka ama goobta lagu qaabilo dumarka ee loogu tala galay ka hortaga uurka, markaas waxaa jawaabta u xilsaaran qofka tijaabada qaaday inuu bixiyo jawaab.

Xaalad aan caadi ahayn oo tijaabada aan si fiican loo lafa gurikarin hadii ay timaado, tussale ahaan, hadii tijaabadu ay u badntaha ama laga dhex helo dhiig badan. Markaas waxaa qofka loogu yeeraa in laga qaado tijaabada unugyada.

Hadii tijaabadu laga dhex helo isbadel ku yimid unugyada       

Hadii tijaabadu laga dhex helo isbadel ku yimid unugyada nuuc kasta ha ahaadee, markaas waa la baarayaa. Hadii qofka unugyadiisa ku dhacaan wax yar oo isbadel ah, da’diinsuna u dhaxayso 30 ilaa sodon iyo 35 sano, inkastoo xadadida da’du ay ku xirantahay hadba meesha qofku wadanka kadaganyahay, markaas si toos ah ayaa loo baarayaa tijaabada. Tijaabadu waxay ku saabsantahay ama ay baaraysaa in qofku qabo jirada nuuceedu yahay HPV, humant papillomvirus, taasoo abuuri karta dhib dhaliya kansarka ilmo galeenka. Kuwa kaliya ee islamarkaas qaba jirada nuuceedu yahay HPV, ayaa u baahan in ay u yimaadaan baaritaanka. Lakiin hadii qofku qabo isbadel yar ee xaga unugyada ah, isbadelkaas oo aan ahayn fayaraas nuucaas ah, markaas wuxuu qofku u baahanyahay inuu maro tijaabo cusub ee xaga unugyada ah hal sano kadib.

Isbadelka unugyada ee quseeya naagaha da’doodu kayartahay 30  ama 35 waxaa lagula taliyaa waqtiyadaan dambe inuu baaro dhakhtar naagaha, laakiin waxaa dhaca mararka qaarkood in meelaha qaarkood ee dadku daganyahay in ay ugu yeeraan baaritaan cusub ee tijaabada unugyada ah oo ay samayso umulisadu.

Haweenka da’doodu ka wayntahay 30 ama 35 ee qaba isbadel aan sahlanayn ee xaga unugyada ah, waxaaa ayakana lagula taliyaa in baaritaankooda uu sameeyo dhakhtarka naagaha.

Tijaabada lagaqaado unugyada ma daboolikarto dhibka kansarka.

Baaritaanka joogtada ee ku saabsan baaritaanka unugyada, waxaa laga helaa ka hortaga kansarka ilmo galeenka oo aad u adag, laakiin lama dhihi karo boqolkiiba boql waa dhamaystiranyahay. Waa ku dhicikaraa kansarka ilmo galeenka qof natiijada tijaabada unugyadiisu ay caadi ahyad markii labaaray, laakiin arintaasi ama dhacdadaasi waa mid aan aad u badnayn. Inta aan ka ahayn baaritaanka joogtada ah ee unugyada, waxaa loo baahanyahay in qofku markasta baaritaan caafimaad sameeyo hadii dhiig ku dhaco ama ka yimaado waqtiga uu galmada sameeynayo. Hadii dhiigu soo noqnoqdo marar badan inta aan lagaarin waqtiga dhiiga, amase hadii qofka dhiig ka yimaado waqtiga dhiiga kadib.

Waxaa markasta la wicikaraa oo la waydiikaraa talo ku aadan qofka meesha ku haboon inuu tago,  rugta caafimaadka.

Wuxuu dareemikaraa qofku walwal marka tijaabada laga qaadayo ama uu sugayo jawaabta natiijada.

Waxaa laga yaabaa in loo dareemo dhib badan marka la marayo baaritaanka unugyada. Tusaale ahaan wuxuu qofku dareemayaa walwal inta lagu jiro waqtiga sugitaanka tijaabada natiijadeeda. Markaas waxaa loo baahanyhay oo fiican inuu qofku ku fakaro in baaritaanka u samaynayo sidii uu uga hortagilahaa cudurka kansarka. Iabadallada ku yimaada unugyada ee lahelo  si sahlan oo aan dhib badnayn ayaa badanaa loo soo gooykaraa si qofka mustaqbalka uusan kansar ugu dhicin.

Marnaba caadi ma’aha in tijaabda unugyada ee laqaado ay muujiso in qofku kansar qabo. Mararka tijaabo la qaaday ay muujiso in qofku kansar qabo, aad ayay dhif iyo naadir u yihiin, mararkaansana waxay tijaabadu muujisaa in kansarku uu hada bilaaw yahay, mararkaasna si fudud ayaa lagu daaweeyaa oo aan wax dhib ah jirka ku reebayn. Baaritaanka unugyadu waxay kordhisay in jirada laga hortago oo la ogaado waqti hore, taasina waxay dhalisay in qofka aysan ku dhicin jiro adag oo arintaas la xiriirta.

Qofka ayaa go’aankeeda leh inuu ogolaado in tijaabada meel la dhigayo iyi inkale.

Tijaabada qofka laga qaado waqtiga baaritaanka meel ayaa la dhigaa. Tusaale ahaan tijaabadii hore ee la kaydiyay ayaa waxaa lala barbar dhigaa tijaabooyinka cusub ee la daqaado, ayada oo isbadaladooda lala soconayo. Tijaabada la qaaday ee meesha la dhigay waxaa kale oo loo isticmaalikaraa cilmi baaritaan ama arimo kale, oo ay gudiga cilmibaaristo go’aan ka gaaraan. Hadii qofku uusan doonayn in meel la dhigo tijaabada lag qaaday, wuxuu markaas u sheegayaa arintaas qofka ka qaaday tijaabada , kadibna tijaaada waa la baabiinayaa.

Warbixinta tijaabada waxaa la galinayaa ama lagu qorayaa malafka tayada ee caafimaadka, taas oo loo isticmaalayo sidii kor loogu qaadi lahaa wax kaqabadka caafimaadka. Xataa hadii qofku uusan rabin in warbixintaas tijaabada  laga qaaday in aan malaf la galiyo ama meel la dhigo markaas wuu qofku xaq u leeyahay inuu dalbado in la tirtiro ama aan meel la dhigin warbixintaas.

Waxkasta oo kuqoran warqadaan waa la nidaamiya waana la lafaguray oo waxaa aqbalay tifaftiraha iyo gudiga tifaftirayaasha ee 1177.se

Fäll ihop
Skriv ut (ca 12 sidor)
Senast uppdaterad:
2016-11-15
Skribent:

Qoraa: Björn Strander, dhakhtarka dumarka, ee ka shaqeey rugta qaabilaada cudurada dumarka, Kungshöjd iyo Regionalt Cancercentrum Väst, Göteborg.

Redaktör:

Tifaftire: 

Monica Wallenius, 1177 Vårdguiden

Granskare:

Koontatoolr/hubiye: Inga Sjöberg, dhakhtarka dumarka ahana dhakhtar umuliso ah, kana shaqaysa Ersboda hälsocentral, Umeå.

Illustratör:

Masawire: Kari C Toverud, oo haysata shahaadada qaaditaanka masawirlaha caafimaadka loo isticmaalo, Oslo, Norge.