Daryeelka ilkaha ee Sweden
Tandvård i Sverige

Waa sidee?

Waa sidee?

Daryeelka ilkaha ee Sweden

Faraqa ugu weyn ee u dhexeeya daryeelka ilkaha iyo daryeelka cudurka ee Sweden waxa weeyi in qofku uu bixiyo qaybta ugu weyn ee kharashka marka qofka la baadhayo iyo marka la daweeynayaba. Marka laga hadlo daryeelka cudurka, waxa jira nidaam lagaga hortegayo kharshka aadka u badan kaas oo ah in uu qofku iska bixiyo 900 oo koroone, dabadeedna daryeelku waxa uu noqonayaa bilaash.

Marka laga hadlo qiimaha iyo dammaanadda amma garantiiga la xidhiidha daryeelka ilkaha, waxa jira faraq u dhexeeya dhakhtarrada ilkaha iyo nadiifiyeeyaasha ilkaha/ Tandhygienst. Waxa kale oo jiri kara faraqyo kale kuwaas oo ku salaysan meesha uu qofku ka deggan yahay dalka. Sidaas daraadeed waxa fiican in had iyo jeer qofku uu weydiiyo dhakhtarkiisa amma ilkonadiifiyehiisa/ Tandhygienst waxa ka jira agtooda.

Daryeelka ilkaha ee carruurta iyo dhallinyarada

Carruurta iyo dhallinyarada ka diiwaangashan amma ka sajilan Sweden oo dhammi xaq bay u leeyihiin in ay helaan daryeelka ilkaha kaas oo bilaash ah ilaa iyo inta ay ka gaadhayaan dhammaadka bisha diisambar sannadka ay buuxinayaan 19 jir. Gobollada qaarkood waa bilaash daryeelka ilkuhu ilaa dhowr sano oo kale.

Daryeelka ilkha ee dadka waaweyn

Dadka waaweyni waxa ay iyagu bixiyaan qayb weyn oo ah kharashka daryeelka ilkaha ah laga bilaabo bisha jeenawari amma jannaayo kowdeeda sannadka ay buuxiyaan 20 jir, laakiin waxa ay dawladda ka helaan taageero dhaqaale. Si taageerdadaas loo helo waa in uu qofku u tago dhakhtarka ilkaha amma nadiifiyaha ilkaha/ Tandhygienst kaas oo heshiis la leh amma ku xidhan hayáadda caymiska bulshada ee loo yaqaan forsheekringskassa.

Sannad kasta waxa qof kasta oo dáadiisu ka weyn tahay 20 sano la siiyaa taageero lacageed oo ah daryeelka caafimaadka taas oo qaddarkeedu yahay 150 amma 300 oo koroone. Qofku wuu kaydsan karaa taageeradaasi laba sano dabadeedna waxa uu isticmaali karaa hal mar, laakiin lama oggola in uu qofku kaydsado in ka badan labad taageero markiiba.

Waxa kale oo jira nidaam loo yaqaan nidaamka ka hortagga kharashka badan kaas oo macnihiisu yahay in ay dawladdu soo dhex gelayso oo ay bixinayso qayb ka mid ah kharashka haddii kharashka daryeelka ilkuhu kor u dhaafo 3 000 oo koroone sannad gudihii. 3 000 ee koroone ee hore waa in uu qofku had iyo jeer isagu iska bixiyaa.

Daaweynta oo dhammi kuma jiraan nidaamkan suurogalna ma aha in had iyo jeer la xisaabiyo kharashka oo dhan marka la eegayo nidaamkaas ka hortagga kharashka badan. Sidaas daraadeed waxa fiican in qofku marka hore uu weydiiyo dhakhtarkiisa ilkaha amma ilkonadiifiyehiisa/ Tandhygienst kharashka ay daaweyntu ku kacayso.

Kharasska ku baxaya daryeelka ilkaha oo la mid ah kan ku baxaya daryeelka cudurka

Haddii uu qofku u baahdo daryeelka ilkaha kaas oo qayb ka ah daaweyn cudur kale, tusaale ahaan isaga oo qofka lagu daweynayo ashicada madaxa ah amma cunaha ah, waxa dhici karta in mararka qaarkood uu qofku xaq u leeyahahy in uu bixiyo isla kharash, kaas oo la mid ah kharashka ku baxaya daryeelka ilkaha iyo daryeelka cudurka.

Waxa kale oo uu qofku xaq u yeelan karaa daryeel ilko oo gaar ah kaas oo kharashka ku baxayaa uu yahay isla kan ku baxaya daryeelka cudurka, waa haddii uu qofku si weyn ugu baahan nolol maalmeedkiisa daryeel iyo xannaano.

Si uu qofku u ogaado waxyaabaha la xidhiidha isla kharashka isku midka ah daryeelka ilkaha iyo daryeelka cudurka, waa in uu qofku weydiiyo arrintan gobolka uu deggan yahay. Tan labaad waxa uu weydiin karaa dhakhtarkiisa ilkaha amma kommuunka uu deggan yahay.

Daryeelka ilkaha haddii qofku ka yimaad waddan kale

Iyada oo la eegayo meesah uu ka yimid qofku, ayaa waxa jira in uu qofku fursad u leeyahay in uu helo taageero dhaqaale oo la xidhiidha daryeelka ilkaha. Waxa jira qawaaniin gaar ah oo kala duwan oo la xidhiidha marka qofka taageeradaas dhaqaale la siinayao taas oo la xidhiidha daryeelka ilkaha ka dib marka uu qofku u soo guurey dalkan Sweden.

Haddii qofku Sweden ku joogo booqasho gaaban oo uu kana yimid dal ka mid ah dalalka Skandinaafiyanka amma Midowga Yurub, amma uu ka yimid dalka Liechtenstein amma Swisarland, waxa uu qofku xaq u leeyahay daryeelka ilkaha ee akuutka ah, isaga oo bixinaya isla kharashka ay bixiyaan dadka ka caynsan Sweden. Si loo helo daryeelka ilkaha, waa in dadka oo dhan oo aan ahayn dadka ka yimid dalalka Skandinaafiyanka ay haystaan kaadhka loo yaqaan kaadhka Midowga Yurub. Carruurta iyo dhallinyarada ka yimaadda dalalkani waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka ilkaha oo akuut ah kaas oo bilaash ah tan iyo ilaa bisha diisambar sannadka ay buuxiyaan 19 jir.

Dadka haysta jinsiyadaha dalalka ka baxsan Midowga Yurub, kuwaas oo booqasho ku jooga Sweden, waa in ay inta badan bixiyaan kharashak daryeelka ilkaha oo dhan. Laakiin dhowr dal ayay Sweden la leedahay heshiis gaar ah heshiiskaas oo ka dhigaya kharashka daryeelka ilkaha mid jaban amma hooseeya.

Hayáadda caymiska bulshada ayaa ka jawaabi karta suáalaha haddii iyo goorta qofka la sini karayo taageero xagga daryeelka ilkaha ah.

Nabadgelyo dalbaha

Carruurta dáadoodu ka yar tahay 18 sano ee nabadgelyo dalbe ah, uma baahna inay bixiyaan wax lacag ah oo khuseeya daryeelka ilkaha. Dadka waaweeyn ee nabadgelyo dalbeyaasha ah, waxay heli karaan daryeel ilkaha ah oo akuut ah haddi ay bixinyaan kharashka ku baxaya, laakiin inta badan waa kharash jaban.

Si uu qofku u helo daryeelk ilkaha, waa in uu qofku haysto kaadh ay bixiso Hayáadda Immigrashoonku amma hijradu, kaadhkaas oo loo yaqaan kaadhka LMA. LMA micneheedu waxa weeyi sharciga qaabbilaadda nabadgelyodabayaasha, kaadhkuna waa kaadh caddayn ah oo ku meelgaadh ah, kaas oo shaqaynaya uun waqtiga qofku uu yahay nabadgelyodalbe.

Xaq loo leeyahay turjumaan

Haddii qofku u baahdo turjumaan makra qofku uu booqanayo dhakhtarka ilkaha, waxa fiican inu qofku sidaas sheego marka uu ballanta dhakhtarka qabsanayo.

Fäll ihop
Skriv ut
Senast uppdaterad:
2011-04-20
Redaktör:

Jenny Österberg

Granskare:

Waxa xaqiijiyey macluumaadka: Jan Bouveng, Gacanhaye ama gacanyare, Försäkringdkassan

Waxa xaqiijiyey tarjumaadda: Kos Ismail, Qofka ilkaha nadiifiyo , Jönköping