Helidda daryeelka saxda ah
Hitta rätt i sjukvården

Jiddaynta daryeelka saxda ah

Ugu horrayntii rugta caafimaadka

Mararka qaar waa ay adkaan kartaa in la ogaado meesha la aadayo ee goobta xannaanada bukaanleyda (sjukvården). Tusaale ahaan intee baa loo jeesanayaa haddii uu dhabarka ku xanuunayo, haddii hargab joogto ah uu ku hayo ama haddii ay calloosha ku xanuuneyso?

Caadi ahaan rugta caafimaadka (Vårdcentralen) baa waxaa loo aadaa dhibaatooyin kasta oo aanan u baahnayn daryeel dhakhso ah ee isbitaalka, taas waxaa laga wadaa dhibaatooyinka oo degdegta ah ama khatarta ah. Haddii loo baahdo waxaa lagaa soo gudbinayaa rugta caafimaadka (vårdcentral) oo waxaa laguu gudbinayaa dhakhaatiir kale oo khabiirin ah (specialistläkare). Habeenaddii iyo maalmaha fasaxa waxaa la adaa ugu horraynta qaabilaadda heegaanka (jourmottagning) ee meesha la degganyahay ku taala haddii uu qofku dhibaato qabo oo aanan la sugi karin illaa uu rugta cafimaadku ka furmo.

Qoraalkaan wuxuu sharraxayaa habka uu daryeelka furan u egyahay iyo meesha la aadaayo, laakiin in yar bay kala duwnaan karaan maamulka gobolka ee caafimaadka. Haddii la rabo in si faahfaahsan loo ogaado habka uu daryeelku u egyahay waa in la raadsadaa warbixin ku saabsan meesha la deganyahay. Baalalka buluuga ah ee buugga tusaha taleefoonada baa waxaa laga heli karaa warbixin ku saabsan wakhtiyada ay furanyihiin tusaale ahaan rugta caafimaadyada iyo qaabilaadyada heegaanka. Bogga internetka ee maamulyada kala duwan ee gobolyada ee caafimaadka baa warbixin dheeraad ah laga akhrisan karaa.

Talobixinta daryeelka bukaanka (Sjukvårdsrådgivningen) baa laga helayaa talo iyo warbixin

Markasta ma sahlana in qofku uu keligiis qiimeeyo sida uu u jirranyahay. Sidaas daraadeed buu u jiraa talobixinta daryeelka bukaanka ee taleefoonka oo laga heli karo gobolada badanaa oo ay kalkaalisooyin waayo arag badan qiimeynayaan dhibaatada, talo bixinayaan oo markii loo baahdana sidoo kale warbixin kaa siinayo halka aad macaawino u doonaneysid. Wakhtiyada sugitaanka baa yaraan karo sidoo kale daryeelku waa uu fiicnaan karaa haddii qofku uu ogyahay meesha uu u jeesanaayo. Dadka dhaawacyada khatarta leh oo aad u buka baa dhakhsi uga helayo macaawimo rugta qaabilaadda degdega ah (akuten), sidoo kale dadka oo dhaawacyada khatarta ah aanan heysan uma baahno in ay fadhiyaan oo ay sugaan caawinaad. Arrintaas dadka oo dhan bay wax utareysaa.

Goobta xannaanada bukaanleyda waxaa loo qeybiyaa xannaano furan iyo xannaanada jiifka

Goobta xannaanada waxaa loo qeybiyaa labo qeybood, xannaano furan iyo xannaano jiif. Xannaanada furan waxaa loola jeedaa in uu qofku guriga aadi karo kaddib marka uu la xiriiray goobta xannaanada bukaanleyda, xannaanada jiifkana waxaa loola jeedaa in uu qofku isbitaalka jiifto. Qeybta ugu weyn ee goobta xannaanada bukaanleyda waa xannaanada furan. Marka hore waxaa la sharraxaa rugta caafimaadka iyo qaabilaadda khabiirnimada. Kaddibna waxaa imaan doono sharraxaad ku saabsan rugta qaabilaadda degdega oo badanaa u ah jidka xannaanada jiifka.

Rugta caafimaadka

Rugta caafimaadka – halkaan baa marka hore la aadaa

Rugta caafimaadka wuxuu aasaaska u yahay goobta xannaanada bukanleyda ee iswiidhishka ah. Magacyo badan bay leedahay oo tusaale ahaaan waxaa la dhahaa qaabilaadda dhakhtarka ee guriga, qaabilaadda dhakhtarka ee reerka ama rugta xannaanada bukaanka. Caadi ahaan halkaan waxaa la aadaa haddii oo uu qofku buko. Waxaa la aadaa rugta caafimaadka oo oo mas'uul ka ah dadka deggan degmada la degganyahay, ama dhakhtarka lagu diiwaangashanyahay.

Rugta caafimaadka waxaa lagu suubiyaa baadhitaanka caafimaadka carruurta hadda dhashay iyo sidoo kale daaweynta jirrooyinka caadiga ah sida cudurka xummad leh cumuhuna dadka xanuunaan iyo jirrooyinka joogtada ah. Sidoo kale halkaan waxaa la aadi karaa haddii la rabo in la helo talo ku saabsan habka sigaarka la iskaga joojin karo ama haddii la rabo in miisaanka la iska yareeyo. Haddii uu dhakhtarku qiimeeyo in loo baahanyahay daryeel takhasusan waxaa dhici karto in uu ku siiyo warqadda u gudbinta qof daryeel gaar ah, warqaddaas oo lagu aadayo qaabilaadda khabiirka ah oo ku taala isbitaala ama qaabilaad kale oo rugta caafimaadka ee furan (öppenvårdsmottagning).

Rugta caafimaadka waxay furantahay maalintii maalmaha caadiga ah oo la wici karo oo sidoo kale wakhti la ballan laga sameysan karo. Qaabilaadyo badan sidoo kale waxay furanyihiin isbuucii wakhtiyo oo la imaankaro haddii caawinaad loo baahanyahay isla maalintaas iyada oo wakhti la ballansan. Rugta caafimaadyada waxay haystaan talo bixinta taleefoonka oo waxay mararka qaar qabanqaabin karaan booqashada guriga.

In badan o oka mid aha rugta caafimaadyada iyo isbitaalada dhaw (närsjukhus) waxay leeyihiin qaabilaadda heegaanka oo la aadi karo haddii oo dhibaatooyin degdeg ah ku dhacaan qofka fiidkii, maalmaha fasaxa iyo mararka qaar habeenkii. Badanaa waa in la wacaa marka hore oo wakhti la ballansadaa. Qeybab ka mid ah dalka shaqada heegaanka (jourverksamhet) waxay ka dhacdaa qaabilaadda degdega aha ee isbitaalka.

Dhakhtaro badan oo kala duwan baa joogo rugta caafimaadka

Dhakhtarada ka shaqeeya rugta caafimaadka ugu horrayn waa dhakhtarka daaweynta guud (allmänläkare). Waxaa sidoo kale lagu magacaabi karaa dhakhtarka guriga (husläkare) ama dhakhtarka reerka (familjeläkare). Dhakhtar kasta oo ah dhakhtarka daaweynta guud ah waxay ku takhasuseen daaweynta guud (allmänmedicin), sidoo kale waxay khabiir ku yihiin in ay qaabilaan dadka ifafaale kala duwan leh iyo in ay qiimeeyaan dadka u baahan daryeelka khabiir kale ama u baahan isbitaal. Dhakhtariinta daaweynta guud waxay caawiyaan dadka uu ku dhacay jirrooyinka dadka (folksjukdomar), taasina waxaa laga wadaa jirrooyinka bulshada caadi ku ah. Waxay masäuul ka yihiin daryeelka marka uu qofku ku dhaco jirrada joogtada ah nuuca aanan khatarta ahayn, tusaale ahaan sonkorow (diabetes) ama jirrada wadnaha oo nuuca ugu badan ah (hjärtsvikt). Sidoo kale dhakhtariinta daaweynta guud waxay daaweyn karaan haddii uu qofku la liido qulub ama murugo aanan khatar ahayn (depression). Fikradu waa in uu qofku ula laaban karaa dhibaatooyinkiisa oo dhan isla dhakhtarkii oo uu helaa isdabajoog iyo nabadgelyo – sidaas daraadeed baa lagu magacaabay dhakhtarka guriga (husläkare).

Sidoo kale dhakhtariinta daaweynta guud waxay ka shaqeeyaan aryeelka kahortagga iyaga oo caawinaayo dadka in ay beddelaan hab nololeedkooda. Tusaale ahaan waxay qofka ka caawin karaan joojinta sigaar cabbida, in uu miisaankiisa hoosta u dhigo ama in uu hagaajiyo ama wax ka qabto caadeysiga khamriga ee qofka.

Dhakhtariinta daaweynta guud sidoo kale waxay qofka ku jidayn karaan daryeelka bukaanka. Waxay leeyihiin xidhiidhyo badan oo waa ay ogyihiin dhakhtariinta kale oo khabiiriinta ah (specialistläkare) waxay ku fiicanyihiin. Sababtaas bay kugu hagi karaan daryeelka saxda ah oo ay meesha saxda ah kuugu qori karaan warqad gudbin ah.

Rugta caafimaadka, sida isbitaalada, waxaa dhici karto in ay joogaan dhakhaatiir oo waxbarasho ku jira oo loo magacaabo dhakhtarka-AT (AT-läkare) ama dhakhtarka-ST (ST-läkare). Dhakhtarka-AT waa dhakhtar oo suubinaaya samaynta shaqada guud ee khasabka ah (allmäntjänstgöring) oo labada sano ah kaddib marka uu waxbarashada aasaaska ahayd soo dhameeyay. Caadi ahaan waxay ka shaqeeyaan rugta caafimaadka lix bilood. Dhakhaatiirtaasi waxaa gacanhaye u ah dhakhtar daaweynta guud oo ay tao weydiisan karaan.

Dhakhtarka-ST waa dhakhtar oo wada sameynta shaqada khabiirnimada oo khasabka ah (specialisttjänstgörng). Rugta caafimaadka badanaa waxaa lala kulmaa dhakhaatiirta oo ku takhasusayo dhakhtarka daaweynta guud, laakiin sidoo kale waxay lahaan karaan jiho kale. Waxbarashada khabiirnimada waa shan sano. Dhakhaatiirta-ST ee jooga rugta caafimaadka waxay leeyihiin tilmaamid joogto ah oo uu gacanhaye u yahay dhakhtar caafimaadka guud.

Koox kale oo dhakhaatiir ah oo ka shaqeeya rugta caafimaadka waa kuwo shaqada si ku meel gaar ah u joogo xilliyada dhakhaatiir yaridu jirto. Dhakhaatiirtaasi waxay ahaan karaan kuwo khabiir ah iyo kuwo aanan khabiir ahayn.

Doorashada rugta caafimaadka

Laga bilaabo 2010 qofku wuxuu dooran karaa rugta caafimaadka ama qaabilaadda dhakhtarka oo uu rabo in uu ka tirsanaado. Rugta caafimaadka iyo qaabilaadda dhakhtarka oo uu qofku doorto waxay ku ooli kartaa maamulka gobolka ee caafimaadka (landsting) oo uu qofku degganyahay ama mig ku ag yaalla maamulka gobolka ee caafimaadka oo uu qofku deggan yahay. Waxaa la dooran karaa qaabilaadda dhakhtarka oo gaarka aha ama rugta caafimaadka o oka mid ah maamulka gobolka ee caafimaadka ama qaabilaadda dhakhtarka ee maamulka gobolka ee caafimaadka.

Qaar ka mid ah maamulka gobolka ee caafimaadka wuxuu qofku xaqq u leeyahay in uu doorto dhakhtarka guriga. Sidaas haddii uu qofku rabo wuxuu la xidhiidhi karaa rugta caafimaadka oo uu rabo in uu ka tirsanaado. Haddii dhakhtarka oo uu qofku ku qornaado uusan qaabili karin dad cusub oo buka waxaa la dooran karaa dhakhtar kale ee guriga. Markii la rabo baa la beddelan karaa dhakhtarka guriga.

Nuucyada kala duwan oo xirfadaha ee jooga rugta caafimaadka

Qeybabaka kala duwan ee wadanku si kala duwan buu u egyahay, laakiin rugta caafimaadka waxaa ka shaqeyn kara kalkaalisada caafimaadka ee degmada (distriktsköterska), kalkaaliso caafimaad (undersköterska), kalkaalisada masaajada iyo duugniinka xubnaha jidhka (sjukgymnast), ummuliso (barnmorska) iyo xoghayaha dhakhtarka (läkarsekreterare). Sidoo kale mararka qaar waxaa jooga kalkaalisada dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jidhka (arbetsterapeut), qofka bartay cilmi nafsiga (psykolog), la taliye (kurator) iyo qofka cunto qaadashada nidaamsan bartay (dietist). Rugta caafimaadka sidoo kale waxaa laga heli karaa rugta xannaanada carruurta- iyo hooyooyinka (barn- och mödrahälsovård).

Kalkaalisada caafimaadka ee degmada

Kalkaalisada caafimaadka ee degmada waa kalkaaliso oo sii korodhsatay waxbarashada. Waxay leeyihiin shaqada waaqiciga aha sida tallaalidda, qeybinta daawooyinka iyo daryeelidda nabarada. Sidoo kale kalkaalisooyinka caafimaadka ee degmada waxay ka shaqeeyaan ka hor tagga caafimaaddarrada iyaga oo tusaale ahaan hoggaaminaya kooxyada sigaar-joojinta. Sidoo kale marar badan guriga bay ku booqdaan dadka aanan u imaan karin rugta caafimaadka daaweynta iyo dhiig, saxaro ama kaadi qaadidda.

Kalkaalisooyinka caafimaadka ee degmada adanaa waxay leeyihiin qaabilaad u gaar ah oo logu talo galay dadka qaba qaar ka mid ah jirrooyinka joogtada ah sida sonkorow ama xiiq ama neef (astma). Waxay qabtaan qaar ka mid ah daaweynta oo waxay xaqq u leeyihiin in ay dadka u qoraan qaar ka mid ah daawooyinka. Marka la waco rugta caafimaadka oo dhibaato uu qofku qka qabo caafimaadkiisa badanaa waxaa ka jawaaba kalkaalisada caafimaadka ee degmada oo talo siisa qofka soo waco.

Kalkaaliso caafimaad

Kalkaalisada caafimaadka waxay la shaqeysaa dhakhtarka iyo kalkaalisada caafimaadka ee degmada. Tusale ahaan waxay dada ka qaadaan dhiiga, waxay qiyaasaan garaaca wadnaha iyaga oo isticmaalaya EKG, sidoo kalena waxay daryeelaan nabarada ama dhaawacyada. In badan o oka mid ah rugta caafimaadka kalkaalisooyinka caafimaadka guriga bay dadka ku booqdaan. Kalkaalisooyinka caafimaadka sidoo kale waxay fadhin karaan soo dhaweynta rugta caafimaadka (receptionen). Soo dhaweynta rugta caafimaadka sidoo kale waxaa lala kulmi karaa xoghayaha dhakhtarka, oo inta badanaa shaqadiisu rugta caafimadka ay tahay shaqo maamul ah.

Kalkaalisada masaajada iyo duugniinka xubnaha jidhka

Kalkaalisada masaajada iyo duugniinka xubnaha jidhka waxay ugu horayn ka shaqeeyaan dadka oo qabo dhibaatooyin oo wax uu yeelaya awoodooda dhaqdhaqaaqa. Waxay ahaan kartaa dhibaatooyin dhabarka ama qoorta, ama buulayn dhaawac kaddib ama jirrooyin sida maskaxdhiig (stroke). Daryeeliddu waxay ahaan kartaa, tusaale ahaan talo ku saabsan tababar qofku keligiis suubin karo, isdabcin (avslappning) iyo masaajo ama duugis. Kalkaalisada masaajada iyo duugniinka xubnaha jidhka waxay warqadda daawada ku qori kartaa jimicsi daawo ahaan si looga hortago ama loo yareeyo jirro. Meelaha qaarkood waxaa si toos ah loo raadsan karaa kalkaalisada masaajada iyo duugniinka xubnaha jidhka, meelaha kalena waxaa lo baahan yahay in dhakhtarku kuu soo diray (remiss).

Kalkaalisada dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jidhka

Kalkaalisada dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jidhka waxay caawisaa dadka jirran ama shil ku dhacay in ay ugu soo laabtaan nolosha caadiga ahayn. Waxay tijaabinayaan qalabka caawinaada (hjälpmedel) ay dadku u baahanyihiin, waxayna khabiir ku yihiin in ay xal waaqici ah u helaan guriga iyo maalmaha caadiga ah. Tusaale ahaan waxay shaqadaasi ahaan kartaa in la caawiya qof in uu gurigiisa u waafajiyo kursiga cuuryaamiinta.

La taliyeyaal

La taliyeyaasha waxay dadka ka caawiyaan taageerada waxyabaha nafsiga oo bulshadana la xidhiidha. Sidoo kale la taliyeyaasha dadka waxay siiyaan talo ku saabsan su'aalaha dhaqaalaha iyo shaqada la xidhiidhta marka uu qofku jirranyahay. La taliyeyaashu badanaa waxay ka qalin jebiyeen dugsiga maamulka arrimaha bulshada oo waxayna waxbarasho ku sii korodhsadeen shaqada la xidhiidhta bulshada.

Qofka bartay cilmi nafsiga

Qeybab ka mid ah wadanka rugta caafimaadka waxaa laga heli karaa dadka bartay cilmi nafsiga. Dadka bartay cilmi nafsiga waxay jaamacad ku soo dhigteen waxbarasho shan sano ah iyo hal sano oo samaynta shaqada waaqiciga ah ee khasabka ah (praktisk tjänstgöring). Iyagu waxay dadka siiyaan daryeelid la xidhiidha cilmi nafsiga, badanaa waxay haystaan waxbarasho ku saabsan daryeelidda dadka qaba cudurka maskaxda (psykoterapi) markaas oo kale dadka daryeeliddaas waa ay siin karaan.

Rugta caafimaadka marka laga hadlo badanaa shaqadooda cilmi nafsiga waa dadaal xadeysan oo ujeedadiisu tahay in uu qofku keligiis xallin karo xaalad dhib badan. Qofka bartay cilmi nafsiga wuxuu sidoo kale ka caawin karaa dhakhtarka in uu suubiyo baadhitaano la xidhiidha cilmi nafsiga oo tusaale haan loo baahnaan karo xilliga baaritaanka baxnaaninka (rehabiliteringsutredning).

La taliyeyaasha iyo dadka bartay cilmi nafsiga waxay hoggaamin karaan daryeelidda koox (gruppbehandling) sida tusaale ahaan kooxaha wax ka qabadka cadaadiska (stresshanteringsgrupper).

Qofka cunto qaadashada nidaamsan bartay

Dadka bartay cunto qaadashada nidaamsan waxay khabiir ku yihiin cuntada. Waxay talo ku siinayaan haddii tusaale ahaan uu qofku u baahanyahay in uu beddelo miisaankiisa ama uu u baahanyahay in uu beddelo habka uu wax u cuno xilliga jirrooyinka sida sonkorow iyo xasaasiyad (allergi).

Xannaano xilliga dhibaatooyin khaas ah

Qaar ka mid ah maamulka gobolka ee caafimaadka waxaa ka jira tusaale ahaan daryeelka si xun u isticmaalidda- iyo ku xidhnaanshaha (missbruks- och beroendevård), qaabilaadda dhalinyarada (ungdomsmottagningar) iyo cilmi nafsiga carruurta- iyo dhalinyarada (barn- och ungdomspsykiatri) (BUP). Halkaas waxaa ka shaqeeya dad waxbarasho khaas ah u galay dhibaatooyinka nuucaas ah. Waxaa warqad gudbin ah laga heli karaa rugta caafimaadka laakiin sidoo kale qofku toos keligiis waa uu ula xidhiidhi karaa qaabilaadyada nuucaas ah.

Rugta xannaanada carruurta- iyo hooyooyinka

Rugta xannaanada hooyooyinka

Rugta caafimaadka, ama la xidhiidhka iyaga, waxaa laga heli karaaa badanaa rugta xannaanada hooyooyinka, MVC, oo ay ummulisooyin ka shaqeeyaan. Iyaga waxaa la aadaa badanaa haddii su'aalo laga qabo daawooyinka ka hortagga uuraysiga (preventivmedel) iyo cudurada xubnaha dhalmada (könssjukdomar), ama markii uur la leeyahay. In badan o oka mid ah MVC waxay qabanqaabiyaan kooxyo waaliddiin ah oo waxay leeyihiin koorsooyin ah waxbarasho ummulidda ka hor. Sidoo kale ummulisooyinku waxay qaadaan baadhitaanada unugyada (cellprover) si ay u helaan isbeddelada unugyada (cellförändringar) ee makaanka ama ilmo-galeenka (livmoderhalsen). Wax lacag ah ma ahan additaanka MVC, sidoo kale waxaa caadi ahaan la aadi karaa qaabilaad kasta oo MVC ah oo uu qofku doono.

Rugta xannaanada carruurta

Rugta xannaanada carruurta, BVC, badanaa waxay ku xidhantahay rugta caafimaadka. BVC waxaa ka shaqeeya kalkaalisooyin oo waxbarashada khabiirnimada u galay dhinaca carruurta, sidoo kale waxaa ka shaqeysa kalkaalisada caafimaadka ee degmada iyo dhakhaatiir. Sidoo kale kalkaalisadda carruurta (barnsköterska), oo ah kalkaaliso caafimaad oo ku takhasustay carruurta baa halkaan ka shaqeyn karta. BVC waxaa lagu suubiyaa baadhitaanada caafimaadka ee carruurta caafimaadka qaba illaa ay 6 sano ka gaaraan, kaddib carruurtu waxay macaawinad ka helayaan daryeelka caafimaadka ee iskoolka (skolhälsovården). Sidoo kale BVC waa ay tallaalaan carruurta waxeyna sidoo akle ku siin karaan talo ku saabsan naas-nuujinta carruurta, cunto cunnida iyo hurdada. Waalidka carruur jirran, sanadkey doonaan ha jirraane, waxay aadayaan rugta caafimaadka ama rugta qaabilaadda degdega ah ee carruurta (barnakuten). Caadi ahaan BVC wuxuu leeyahay qaabillaad furan oo layska imaan karo iyada oo aanan wakhti la ballansan. Sidoo kale badanaa wakhti waa laga ballansan karaa.

Dadka cilmi nafsiga bartay waxaa la heli karaa iyaga oo ku xidhan rugta xannaanada carruurta- iyo hooyooyinka.

Daryeel gaar ah

Daryeel gaar ah oo heshiis leh

Daryeelka waxaa iska lahaan karo maamulka gobolka ee caafimaadka, iyo sidoo kale shirkado gaar ah oo heshiis la leh maamulka gobolka ee caafimaadka. Waxaa tusale ahaan jirra rugta caafimaadka oo gaar ah iyo rugta xannaanada hooyooyinka oo gaar ah. Wax farqi ah uma dhaxeeyo qaabillaada ay leedahay maamulka gobolka ee caafimaadka iyo kan gaarka ah, waana isku lacag.

Daryeel gaar ah oo aanan lahayn heshiis

Sidoo kale waxaa jira daryeel-bixiye (vårdgivare) oo gaar ah oo aanan heshiis la lahayn maamulka gobolka ee caafimaadka. Markaas oo kale waa in uu qofku lacagta oo dhan keligiis wada bixiyaa. Tusaalaha daryeel-bixiyeyaasha oo gaarka ah waxaa ahaan kara qaabilaadyadda khabiir ku ah (specialistmottagningar) tusaale ahaan qaabilaadda dumarka oo la xidhiidha xubinta dhalmada (gynekologi), qaabilaadda daryeelka dadka qaba cudurka maskaxda (psykoterapi), ama qaabilaadyada oo qalliinka u suubiya is qurxin daraadeed. Haddii aanan la oggeyn hadii qaabilaad khaas ah heshiis la leedahay maamulka gobolka ee caafimaadka iyo in kale waxaa sahlan in wakhti hore la weydiiyo kharashka booqashada ama ballanta.

Daryeelka khabiirka

Qaabilaadyada khabiirka

Qaabilaadyada khabiirka (specialistmottagningar) ugu horraynti waxay ku yaaliin isbitaalka degdega ah (akutsjukhus), laakiin sidoo kale isbitaalka dhaw (närsjukhus) iyo daryeel-bixiyeyaasha gaarka ah waa laga heli karaa. Halkaas waxaa lagala kulmaa dhakhaatiir khabiir ku ah maadooyin aanan ahayn daaweynta guud. Mararka qaar toos baa iyaga loo aadi karaa, sidoo kale in ka mid ah isbitaalada dhaw, ugu horraynti magaalooyinka weyn, baa waxey leeyihiin qaabilaada degdega ah maalmaha caadiga ah ee shaqada. Mararka kale laakiin waxaa loo baahanyahay warqadda gudbinta oo uu dhakhtarkaadii rugta caafimaadka soo qoray. Badanaa waa dhakhsi oo kharashkeeduna waa uu yaryahay haddii warqadda gudbinta la haysto.

Dhakhaatiirta khabiiriinta oo kala duwan

Dhakhaatiirta khabiiriinta (specialistläkare) waa dhakhtar dhamaystiray samaynta shaqada khabiirnimada oo khasabka ah, caadi ahaan waxbarasho oo shan sano ah kaddib markii ay helaan kaadhka aqonsiga ee dhakhaatiirta (läkarlegitimation). Waxaa jira dhakhatiir ku takhasusay waxyaabo kala duwan. Meesha ugu weyn oo aanan ahayn daaweynta guud waa daaweynta gudaha ah (internmedicin), qalliinka (kirurgi), xubnaha dhaqdhaqaaqa (ortopedi) iyo cilmiga cudurrada maskaxda (psykiatri).

Kuwa ka shaqeeya daaweynta gudaha ah waxay khabiir ku yihiin tusaale ahaan cudurrada xididyada- iyo wadnaha (hjärt-kärlsjukdomar), dhibaatooyinka caloosha- iyo mindhicirada (mag-tarmproblem) iyo jirrooyinka sambabada (lungsjukdomar). Badanaa waa jirrooyin oo aanan u baahneyn qalliin ee u baahan in lagu daryeelo daawooyin ama u baahan in la beddelo habka nolosha qofku u noolyahay.

Qalliinku waa maado khabiirnimada ka mid ah oo ay dhakhaatiirta qalliinku ku daryeelaan ugu horrayn jirrooyinka xubnaha jidhka gudihiisa ku jira iyaga oo qallaya. Waxay tusaale ahaan ahaan kartaa dhagaxyada kiishka xammaytida- iyo kaadi-haysta (gall- och njursten), qabsin bararid (blindtarmsinflammation) ama goljilica oo barara (ljumskbråck).

Dhakhaatiirta lafaha (ortopeder)waxay daryeelaan jirrooyinka xubnaha dhaqdhaqaaqa oo u baahan qalliin. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan laf ku jabta (benbrott), jirrooyinka kalagoysyada (ledsjukdomar) ama dhaawacyada ku yimaada laf ka mid ah lafaha wareegsan ee u dhaxeeya lafaha taxan ee dhabarka (diskbråck).

Dhakhtarka cudurrada maskaxda (psykiatriker) wuxuu daryeelaa dadka cudurrada maskaxda qaba sida niyad jab ama murugo (depression), cudur maskaxeed oo uu qofku gooni u takoormo (schizofreni) ama qof ku xidhan ama ku tiirsan tusaale ahaan khamriga ama mukhaadaraadka. Dhakhtarka cudurrada maskaxda iyo qofka bartay cilmi nafsiga waa labo xirfadeed oo kala duwan. Dhakhtarka maskaxda waa dhakhtar kaadhka aqoonsiga ee dhakhaatiirta qaatay oo waxbarashada khabiirnimada u galay cilmiga cudurrada maskaxda. Dhakhtarka cudurrada maskaxda wuxuu leeyahay xaqqa dhiibitaanka (förskrivningsrätt) oo wuxuu dadka u qori karaa daawooyinka ay qaadanayaan. Qofka bartay cilmi-nafsiga ma ahan dhakhtar ee wuxuu jaamacadda ku soo dhigtay barnaamujka cilmi-nafsiga (psykologprogrammet). Qofka soo bartay cilmi-nafsiga wuxuu baaraa oo daryeelaa isaga oo tusaale ahaan adeegsanaya wada hadalka daryeelka dadka qaba cudurka maskaxda (psykoterapi).

Daryeel caafimaad oo degdeg ah

Qaabilaadda caafimaadka ee degdega ah

Qaailaadyada caafimaadka ee degdega ah waxay ka furanyihiin saacad kasta isbitaalada degdeg ah. Halkaan waxaa lala aadaa waxyaabaha aanan lala sugi karin tusaale ahaan haddii uu qofka ku dhaco jirro oo khatar ah ama dhaawac khatar ah. Tusaale ahaan waxay ahaan kartaa in uu xabadku kuu xanuuno si degdeg ah, laf ku jabta ama dhiigbixid halis ah. Sidoo kale rugta qaabilaadda degdeg ah waxaa la aadi karaa haddii horay loo jirranaa oo jirradii kugu sii darsato oo aad sii xumaatid. Sidoo kale rugta caafimaadka baa warqad gudbin ah kuugu qori kara rugta qaabilaadda degdega ah haddii dhakhtarka rugta caafimaadka jooga uu qiimeeyo in uu qofku u baahanyahay daryeel degdeg ah ee isbitaalka.

Nuucyada kala duwan oo xirfadeed ee jooga rugta qaabilaadda degdega ah

Rugta qaabilaadda degdega ah waxaa ka shaqeeya kalkaalisada caafimaadka, kalkaalisada caafimaadka ee dadka jirran iyo dhakhaatiir. Sidoo kale la taliyeyaasha halkaas waa ay ku xidhanyihiin.

Kalkaaliyeyaasha caafimaadka waxay qaadaan baadhitaano, waxay suubiyaan isbeddelada iyp sidoo kale waxay hubiyaan in qofka si fiican loo xannaaneeyay. Sidoo kale waxay ka shaqeeyaan soo dhaweynta.

Kalkaaliyeyaasha dadka jirran waxay qiimeyn koowaad ku suubiyaan sida uu qofku dareemayo, baaritaano bay qaadaan iyo sidoo kale daawooyinka bay qeybiyaan.

La taliyeyaasha ugu horraynti waxay kaalmeeyaan dadka qaraabada xilliga shil halis ah uu dhaco ama geeri ay dhacdo. Sidoo kale waxay caawin karaan dadka jidhdil (misshandel) lagu suubiyay ama soo maray kufsasho (våldtäkt).

Dhakhtarka qaabilaaya dadka yimaada rugta qaabilaadda degdega ah wuxuu ahan karaa dhakhtar khabiir ah, ama caadi ahaan waa dhakhtar waxbarasho ku jira, taasi waxaa laga wadaa waa dhakhtar-ST ah ama dhakhtar-AT ah. Dhakhaatiiriinta khabiiriinta ah waxay isbitaalka ku leeyihiin shaqooyin badan oo kala duwan oo badanaa ma joogaan rugta qaabilaadda degdega ah. Laakiin hase ahaatee markasta ugu yaraan hal dhakhtar oo khabiir ah baa ku xidhan rugta qaabilaadda degdega ah oo ay wici karaan dhakhaatiirta meeshaas jooga haddii ay macaawimo uga baahdaan wax. Isbitaaladda jaamacadaha (universitetssjukhus) rugtooda qaabilaadda degdega ah waxaa laga kulmi karaa musharraxa dhakhaatiirta (läkarkandidater), ardayda dhakhaatiir noqon doona. Waxay u joogaan rugta qaabilaadda degdega ah si ay wax u bartaan, laakiin daryeelidda mas'uuliyad gaar ah kama laha.

Dhakhtarka degdega (akutläkare) shaqadiisa ugu horraysa waa qiimeynta qofka xaaladdiisa, haddii daryeel inta la helo guriga la sika aadi karo iyo in kale ama haddii loo baahanyahay in la jiifto qeyb ka mid ah isbitaalka qeybahiisa si loo helo xannaano. Badanaa waxaa isbitaalka ku yaala wax la dhaho qeybabta fiirinta (observationsplats) oo uu qofku joogi karo saacado ama illaa maalinta dambe haddii uu dhakhtarku rabo in uu fiiriyo sida qofka xaaladiisu noqoto ama haddii aysan caddayn in loo baahanyahay in la jiifto isbitaalka si xannaano kale loo helo iyo in kale. Mararka qaar rugta caafimaadka oo furan waxaa looga baahanyahay daryeel sii socod ah (uppföljning), caadi ahaan sii socodkaas waxaa sii wada rugta caafimaadka ama qaabilaadyada khabiiriinta ee kala duwan. Markaas oo kale waxaa la heli karaa warqa gudbin ah ama dhakhtarka isbitaalka baa warqad u qoraya dhakhtarka sii wadaaya daryeelka sii socodka ah. Mararka qaar waa in uu qofku kelgiis la xidhiidhaa rugtiisa caafimaadka ah si uu u helo daryeelka sii socodka ah.

Isbitaalada ku kooban meelo gaar ah iyo isbitaalada dhaw

Isbitaalada ku kooban meelo gaar ah (lokala sjukhus) iyo isbitaalada dhaw (närsjukhus) waa isbitaalo yaryar oo aanan markasta haysan rugta qaabilaadda degdega ah oo furan saacad kasta. Halkaan waxaa ka shaqeeya dhakhaatiirta ku takhasusay waxyaabo kala duwan. Daryeelka badanaa waxaa lagu helaa nuuca rugta caafimaadka oo furan (öppenvård) taasi oo micnaheedu yahay in guriga la aadayo booqashada kaddib. Sidoo kale halkaan waxaa laga heli karaa qeybo ka mid ah isbitaaladaan yaryarka ah oo la jiifan karo haddii aanan loo baahneyn daryeel horumarsan oo laga helo isbitaalada qaabilaadda degdegta ah (akutsjukhusen).

Waxkasta oo uu qoraalkaan ka koobanyahay waxaa wanaajiyay, hubaaleeyay oo ansaxiyay soo diyaariyeyaasha iyo iskudubbariddayaasha, madaxa cimiga daawada iyo la taliyeyaasha soo diyaariyeyaasha iyo isku dubbaridayaasha 1177.se.

Skriv ut
Publicerad:
2011-08-22
Skribent:

Qore: JoelFreilich, dhakhtarka jooga rugta caafimaadka ee Harmånger oo ku yaala degmada Nordanstig, Hälsingland

Granskare:

Hubaaleeye: Johan Berglund, khabiirka daaweynta guud, Blekinge